9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 23, 2012
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Degmada Qardho ee Gobolka Karkaar

Axad, September 23, 2012 (HOL) — Waxaa degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar maalintii labaad ku sugan xubno ka tirsan gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Puntand oo uu horkacayo gudoomiyaha gudigaasi, Dr. Maxamed Xasan Barre.

Guddiga ayaa shalay kulan balaaran la qaatay maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo qaar kamid ah cuqaasha iyo waxgaradka. Kulankaas oo mudo saacado ah qaatay wuxuu ka dhacay Hotel Gufurre.

Gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Puntland Dr. Maxamed Xasan Barre oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada socdaalka ay xiligan magaalada Qardho kusoo gaareen.

Wuxuuna sheegay in uu yahay mid salka ku haya sidii ay wacyigelin arimaha doorashada la xiriirta u siin lahaayeen bulshada ku dhaqan degmada Qardho iyo guud ahaan gobolka Karkaar.

Dr. Barre oo arintaas sharaxayana waxaa hadaladiisii kamid ahaa: "Sidaad la socotaan dhowaan waxa la ansixiyey xeerka doorashooyinka, talaabada xigtana waa sidii bulshada loo fahansiin lahaa qaabka ay wax u dhacayaan, xubnaha gudigu way is qaybiyeen, aniguna waxan kusoo beegmay gobolka Karkaar iyo qaybo kamid ah Bari"

Dhowaan ayey ahayd markii la shaaciyey wakhtiga ay bilaabmeyso iyo weliba xiliga ay ku egtahay diiwaan gelinta ururada siyaasadda, kuwaas oo ku tartami doona doorashooyinka dowladaha hoose ee la filayo in ay ka qabsoomaan dhamaan gobolada Puntland.

Sadexda urur ee hela codadka ugu badan tartanka doorashooyinka dowladaha hoose, ayaa noqon doona sadexda xisbi ee sida rasmiga ah ugu loolami doona hogaanka Siyaasadda ee Puntland.

Si kastaba ha ahaatee geedi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa u muuqda mid si dardar leh ku socda, waxaana hadii uu sida loogu tala galay u hirgalo uu Puntland u horseedi doonaa in ay ka guurto maamulka ku dhisan wax ku qaybsiga hab beeleedka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya













Click here
9/23/2012 2:30 PM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) - Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa maanta soo gaarey wefdi uu horkacayo wakiilka cusub ee midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michal Caravan. Wefdigan oo si diiran loosoo dhoweeyey, waxay xarunta madaxtooyada kulan kula qaateen madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ku-xigeenkiisa Gen. Shire iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

9/23/2012 9:24 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ku toogtay laba wiil oo dhallinyaro ah, kuwaas oo aan la garanayn sababta loo dilay iyo cidda dilkooda ka dambeysa.

9/23/2012 8:52 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Wasiirradda Caafimaadka iyo Beeraha Somaliland ayaa soo dhaweyey 11 dhakhtar oo reer Kuwayt ah oo u yimid Somaliland sidii ay qaliinno kala duwan u sameyn lahaayeenm kuwaasoo shaqadooda ka billaabi doona Isbitaalka Al-Xayaat oo ku yaalla magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

9/23/2012 8:40 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Waxaa garoonka kubada cagta Cawaale ee degmada Gaalkacyo lagu soo gabagabeeyay tartan kubada cagta ah oo lagu maamuusayay Alle ha u naxatiirteen marxuum Eng Cali Xaaji Shirwac oo kol hore lagu dillay magaalada Baladweyne.

9/23/2012 8:23 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa goor-dhawayd ka qarxay deegaanka Janaa cabdalle oo 60 KM dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada Hoose.

9/23/2012 8:16 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Wefti uu hoggaaminayo ergayga cusub ee Midowga Yurub u fadhiyi doona magaalada Muqdisho ayaa booqasho ku yimid magaalada Hargeysa, kaasoo la kulmay madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanayo) iyo shir-guddoonka golaha wakiillada Somaliland.

9/23/2012 7:12 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay dil mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya loogu geystay xalay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaddib markii ay dabley bastoolado ku hubeysan ay gurigiisa ku weerareen.

9/23/2012 6:59 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Hay'adda shaqada adduunka ee ILO ayaa ka furtay maanta Muqdisho mashruuc lagu horumarinayo ganacsiga haweenka, taasoo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya iyo xubno ka socday hay'adaha bulshada rayidka Soomaaliyeed.

9/23/2012 6:58 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Kulankan oo loogu baroordiiqayay wariyeyaashii lagu laayay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka dhacay Hotel Bin-Ali oo ku yaal xaafadda Eastleigh, waxaana kasoo qeybgalay suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgasha magaalada Nairobi iyo marti sharaf kale.

9/23/2012 6:07 AM EST
Axad, september 23, 2012(HOL): Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka qeybgaleen dad aad u faro badan, isla markaana lagu taageerayay dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa ka dhacday Magaalada Katrineholm ee dalka Sweden.

9/23/2012 1:31 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Howlgallo lagu soo qabqabtay dad fara badan ayay cidamada amaanka dowladdu xalay ka sameeyeen degmooyinka, Waaberi, Hodan iyo Wadajir, iyadoo ciidamadu ay baaritaanno ku sameynayeen guryaha iyo gaadiidka.

9/23/2012 1:28 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen shalay oo Sabti ahayd 200 dagaalyahan oo ka tisran Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo ay sheegeen inay kasoo tageen degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe.