3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2012
Ciidammo ka tirsan Al-shabaab oo buux-dhaafiyay Magaalada Kismaayo iyo Idaacaddii Andalus oo dib hawada u soo gashay
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa saaka ku waabariistay ciidamo aad u tiro badan iyo gaadiidka nooca dagaalka oo soo oo gaafwareegaya wadooyinka magaalada, waxaana sidoo kale magaalada soo gaaray masuuliyiin sar sare oo katirsan xarakada Al-shabaab.

Goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo ayaa HOL u sheegay in saaka gudaha magaalada lagu arkayo ciidamo aad u tiro badan iyo gaadiid nooca dagaalka, waxaana sidoo kale uu sheegay in idaacaddii Andalus ee magaalada Kismaayo dib loo soo celiyay islamarkaasina ay maanta hawada ku jirto.

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage oo idaacadda kala hadlay shacabka ku dhaqan Kismaayo ayaa sheegay in ay iska difaaci doonaan duulaanka kusoo fool leh Kismaayo wuxuuna intaa ku daray in qabsashada magaalada Kismaayo ay ka horeyn doonto dhiig badan oo daata.

Xoogagga Al-shabaab oo markii hore magaalada kala baxday ciidamadooda ayaa haatan dib ugu soo laabtay, waxaana wararku ay sheegayaan in ciidamada badankooda ay u dhaqaaqeen dhanka deegaanka Birta dheer oo ay isku horfadhiyaan ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab.

Deegaanka birta dheer oo maalmihii ugu danbeeyay ay ka taagnaayeen dagaallo ba’an oo u dhexeeyay Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay maanta tahay mid xasiloon, waxaase xilli walba suurogal ah dagaal halkaasi ka qarxa maadaama labada ciidan ay ishorfadhiyaan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya












Click here
9/19/2012 12:40 PM EST
Arbaco, September 19, 2012(HOL):Waxaa magaalada Xaafuun ee dalka Gobolka Bari lagu xiray Fannaanka Khaalid Abuukar Cadaani (Super Khaalid) iyo Bashiir Mursal Ciise oo la dhashay Fannaanadda Maryan Mursal Ciise, iyagoo haatanna ku jira xabsi ku yaallada degmadaas.

9/19/2012 9:20 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan hay'adaha cusub ee dowladda Soomaaliya iyo xafiisyada xukuumadda, waxayna ku dhiirrigeliyeen madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud inuu soo dhiso xukuumad loo dhan yahay lalana xisaabtami karo.

9/19/2012 9:19 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Tartan kubada cagta ah oo lagu maamuusayo wax qabadkii Alle ha u naxariistee Eng Cali Xaaji Shirwac ayaa si rasmi ah uga furmay garoonka kubada cagta Cawaale ee degmada Gaalkacyo.

9/19/2012 9:12 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Qunsulkii safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Maxamed Cismaan Adan (Edson) ayaa maanta lagu aasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaddib markii uu xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.

9/19/2012 8:25 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta ka dhacay kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen cuqaasha iyo waxgaradka 4 degmo oo ka kala tirsan gobolada Bari iyo Karkaar, kuwaas oo kala ah: Baargaal, Waaciye, Ufeyn iyo Rako.

9/19/2012 8:17 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Qurbo-joogta beesha Xawaadle ayaa gef ku tilmaamay hadallo ay warbaahinta siiyeen shaqsiyaad beesha ka tirsan, kuwaasoo eedeyn ugu soo jeediyeen Ugaaska beesha, Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

9/19/2012 6:28 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Galguduud, odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobollka ayaa siweyn ugu howlan joojinta colaad u dhaxeeya labo beelood oo wada-dega gobolkaas.

9/19/2012 4:16 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada xildhibaannada baarlamanka federalka Soomaaliya iyo murashaxiintii xilka madaxweynenimo kula tartamay.

9/19/2012 3:56 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in ka bixitaanka magaalada Kismaayo uu ka horreeyo dhiig badan oo daata, xilli ay ka jirto magaaladaas cabsi weyn dadkuna ay ka barakacayaan.

9/19/2012 3:35 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ku toogtay mid ka mid ah askarta ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan, iyadoo saakayna laga maqlay qaraxyo waaweyn.

9/19/2012 3:11 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Sam Ongeri ayaa iska diiday in qaraxii ismiidaaminta ahaa ee toddobaadkii hore lagu weeraray hoteel uu deggenaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.