4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2012
Sayladaha Somaliland ee xoolaha oo dhaq-dhaaq ganacsi oo xawli ah ka socdaan iyo qiimihii xoolaha oo sare u kacay

Axad, October,21, 2012 (HOL)- Qiimaha Adhiga la kala siisanayo, ayaa maalmihii u dambeeyey sare u kacay ka dib markii baahidda xoolaha ee laga rabo mawsimka xajka ay sare u kacday,iyadoo dhaq-dhaqaaqa salayduhu ay aad u kordheen.

 

Sayladda ugu weyn ee magaaladda Burco ayaa si weyn looga dareemayaa sare u kaca qiimaha neefka adhiga ah la siisanayo, waxaana aroor walba sayladaasi yimaada xoolo lagu qiyaasay afartan kun oo neef oo ka kala yimaada guud ahaan dhulka soomaalida sida gobolada dhaxe ee soomaaliya, killilka shanaad ee itoobiya iyo guud ahaan Somaliland, taas oo saxmad galisay suuqa xoolaha, isla markaana ka dhigtay mid mashquul ah.

 

Dadka qaar ayaa ku doodaya in Sanadkan waxa kor u qaaday qiimaha xoolaha ay tahay tartanka shirkadaha dhoofiya xoolaha oo batay, kuwaas oo iskugu jira kuwa Carab ah iyo soomaali, iyadoo la kala laayahay xoolihii, isla markaana la doonayo in laga gaadhsiiyo inta aan la gaadhin Ciidal Adxa, waxaana faa’iido badan ka helay suuqa sare u kacay dad aad u faro badan oo qaybaha kala duwan ee bulshada ka kooban, waxa iyaguna aan kala joogsan gaadiidka guraya oo si  isdaba joog ah u gaynaya maxjarka Berbera ee xoolaha lagu baadho iyo kuwa xoolaha ka soo guray dhulka miyiga ah ee aad ka u fog fog, kuwaas oo keenaya saylada.

Dhaq-dhaqaaqan iibsiga xoolaha ayaa qoysas badan kor u qaaday noloshooddii, iyagoo ka faa’iidaystay suuqa xaamiga ah ee ka socda sayladaha kala duwan ee dalka, gaar ahaan Saylada ugu weyn ee magaaladda Burco oo xoolo aad u faro badan ay maalintii iskugu yimaadaan.

 

Qiimayaasha adhiga ee sayladaha Xoolaha ee haatani dhanka ahminka ayaa isugu u dhexeeya 75-85 oo Dollar neefka adhiga ah, kaasi oo noqonaya qiimihii ugu sareeyay ee dhawaanahan ay gaadhaan xoolaha lagu kala iibsado sayladaha xoolaha ee dalka.

 

 “xoolaha haatan Saylada imanayaana waa kuwo ka tiro badan oo caafimaadkooduna yahay mid fiican, markaas waxa runtii aan ku tilmaami karnaa sanadkani inuu yahay mid faa’iido weyn u leh dadkeenii xoola dhaqatada ahaa iyo kuwii ka ganacsanayayba”ayuu yidhi mid ka mid dilaaliinta xoolaha.

 

Suuqa xaamiga ah ee ka socda sayladaha ayaa faa’iido weyn ka heleen xoolo dhaqatadii oo neefkooddii qiimo wanaagsan u soo jaray, waxa kale oo iyana ka macaashay ganacsatadii iyo dadkii ka shaqaynayey daabulka xoolaha, kuwaas oo xagii nolosha wax iska bedelaan, iyadoo shirkad kasta maalintii iibsato in ka badan sodan kun oo neef, taasina ay keentay in xoolo la kala waayo, oo iyagii oo saylada soo gaadhin dhexda lagu kala iibsado.

 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland