3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2012
Maamulka gobollka Hiiraan oo ka warbixiyay qarax maanta ka dhacay magaalada Baladweyne

Axad, Oktoobar, 21, 2012  (HOL) – Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa ka warbixiyay qarax culus oo maanta ka dhacay mid ka mid ah xaafaddaha magaalada Baladweyne, xili ay howlgal miino baaris ah ku guda jireen ciidamada dowladda Itoobiya.

 

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobollka Hiiraan ee arrimaha nabad-galyada Axmed Cismaan Cadalla Inji ayaa sheegay in qaraxa u ahaa sida uu hadalka u dhigay mid lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah.

 

‘’Ciidamada Itoobiya waqtigaa waxaa ay ku jireen howlgalo miino baaris ah, qaraxa waxaa uu ka dhacay goob ay ku sugnaayeen dad rayid ah, waxaa ku dhaawacmay ilaa lix ruux.

 

Axmed Inji waxaa uu meesha ka saaray in ay jirto rasaas ay ciidamada dowladda Itoobiya fureen oo dad rayid ah wax ku noqday, isaga oo sheegay in dadka dhaawacmay wax yeeladu ka soo gaartay qaraxa dhacay.

 

Qaraxa saakay waabarigii hore ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa lagu soo beegay xili maalin kasta subaxa hore howlgalo lagu baarayo walxaha qaraxa ay ka sameeyaan ciidamada Itoobiya bartamaha magaalada Baladweyne.

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyne, Soomaaliya













Click here
10/21/2012 3:20 PM EST
Axad, October, 21, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa maanta Xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyey magaaladda Berbera ee gobolka Saaxiil.

10/21/2012 3:18 PM EST
Magaalada Nairobi waxaa ka qabsoomay shir ay soo qaban qaabiyeen Youth Forum Mandera, kaasoo looga hadlayey sida dhalin yarada ay qeyb uga noqon karaan horumarka ka socda County-ga Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalkan Kenya.

10/21/2012 9:10 AM EST
Axad, October,21, 2012 (HOL)- Xarunta maamulka Puntland ee Garoowe, waxaa maanta soo gaarey wefdi heer sare ah oo ka socda ururka midowga Yurub, uuna horkacayey safiirka cusub ee midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Michele Cervone.

10/21/2012 9:05 AM EST
Axad, October,21, 2012 (HOL)- Qiimaha Adhiga la kala siisanayo, ayaa maalmihii u dambeeyey sare u kacay ka dib markii baahidda xoolaha ee laga rabo mawsimka xajka ay sare u kacday,iyadoo dhaq-dhaqaaqa salayduhu ay aad u kordheen.

10/21/2012 9:04 AM EST
Axad, October 21, 2012(HOL): Safiirka Soomaaliya ee Rwanda Ambassador C/llaahi Shiikh Maxamed ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha dalkaas Mr. Paul Kagame, iyadoo maamuus aad u heer sarreeyana loogu sameeyay madaxtooyada Kigali ee Rwanda.

10/21/2012 7:13 AM EST
Axad, October, 21, 2012 (HOL)-Abaanbuulaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya Jen. Cabdikariin Yuusuf Dhego-badan ayaa shaaciyay howlgallo baaxad leh oo ay qorsheynayaan in ay dhawaan sameeyaan, kuwaasi oo ay ku doonayaan in ay Magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka isku xiraan.

10/21/2012 7:06 AM EST
Axad, October, 21, 2012 (HOL)-Ciidamada Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ayaa saaka ka sameeyeen magaalada xaafado ka tirsan Degmooyinka Magaaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo qabqabteen rag hubeysan oo dil iyo dhac ka geystay.

10/21/2012 6:29 AM EST
Axad, October, 21, 2012 (HOL)-Golaha Wakiiladda, ayaa guddagalay ka doodista xeerka mihnadleyaasha caafimaadka, kaas oo loo samayn doono bahda caafimaadka xeer dabri doona oo ay ku shaqayn doonaan.

10/21/2012 6:23 AM EST
Axad, October 21, 2012(HOL): Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ayaa xalay kusoo rogay magaalada Kismaayo Bandow, iyadoona dadka lagu wargeliyay dadka in ay guryahooda ku sugnaadaan saacadaha uu bandowga jiro.

10/21/2012 6:17 AM EST
Axad, October 21, 2012(HOL): Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo ah xildhibaan Soomaaliyeed oo laga soo doortay xaafada Kama Kunji ee magaalada Nairobi ayaa waxaa uu maalmihii la soo dhaafay socdaal ku marayay gobollada Soomaalidu dagto ee dalka Maraykanka, waxa uuna xildhibaanku la hadlay jaaliyadaha Soomaalida oo uu ka codsanayay in ay ka garabsiiyaan dadaalka uu ugu jiro sidii uu markale u guulaysan lahaa.