4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2012
Golaha Wakiillada oo dood ka yeeshay xeerka mihnadlayaasha caafimaadku ku shaqayn lahaayeen

Axad, October, 21, 2012 (HOL)-Golaha Wakiiladda, ayaa guddagalay ka doodista xeerka mihnadleyaasha caafimaadka, kaas oo loo samayn doono bahda caafimaadka xeer dabri doona oo ay ku shaqayn doonaan.

 

Wasiirka Caafimaadka Dr: Xuseen Muxumed (Xuseen Xoog) ayaa golaha warbixin ka siiyey baahidda loo qabo in la helo xeer ay ku shaqayn lahaayeen xirfadleyaasha caafimaadka, isla markaana loo heli lahaa wixii laga yeeli lahaa haddii xarun caafimaad waxyeelo ka soo gaadho muwaadin wixii uu xaq u leeyahay iyo waxa uu mutaysanayo xirfadlahaasi dawadiisa wax lagu noqday.

 

Sidoo kale, wasiirka caafimaadku waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka ay leeyihiin weelka caagadaha u badan ee lagu keeno caanaha, maadaama oo weelkan aan loogu talogalin in lagu shubo cunto, taas oo dhibaato u keeni karta  bani’aadamka iyo  nadaafadda weelkaasi looga baahan yahay, waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in la ogaado cunto-kariyeyaasha in la baadho caafimaadkooda iyo goobta ay ku shaqaynayaan nadaafaddooda si aan qofkasta uga shaqaysan hoteeladda cuntada lagu kariyo.

 

Wasiirka oo markii dambe xildhibaanadu su’aalo ku boobeen, ayaa la waydiiyey waxa ay wax uga qaban waayeen xarumo dhaqameedka dhirta wax ku dawaysay oo dad badani waxyeelo badan ka soo gaadhay, isagoo sheegay in xeerkan wax ka tari doona, isla markaana qof aan shahaado caafimaad lahayni goob caafimaad ka furan doonin, waxa kale oo uu tilmaamay in shirkadaha dawooyinka keena u diiwaangashan yihiin wasaarada, isla markaana baadhitaano ku samayaan inay tahay kuwii ku haboonaa iyo in kale, wallow ay jiraan buu yidhi dad si qarsoodi ah dawooyin aan fiicnayn ku iibiyaa, kuwaas amar lagu siiyey cidii aragta inay soo gudbiso si sharaciga loo geeyo, loona baahan yahay in ganacsatada dawooyinka keena lala xisaabtamo.

Xeerkan xirfadlayaasha caafimaadka loo samaynayo, ayaa waxa dood adag ka yeeshay xildhibaanadda golaha wakiilada, kuwaas oo ka dooday dadka ka mid ka noqon doono guddi madax banaan oo ka shaqayn doonto arrimaha caafimaadka, intay ka koobnaan doonaan iyo inay u madax banaanaan doonaan hawlahoodda, isla markaana qof aan shahaado la aqoonsan yahay wadan aanu ka hawlgalin goobaha caafimaadka.

Doodan ayaa socon doonta maalmaha soo socota, iyagoo qoraal hadalka (minutes) lagu  kaabi doonaa xeerkan si xeer qaran oo xirfadleyaasha caafimaadka ku ilaalin doon shaqadooda looga soo saaro.

 

 Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 

[email protected]

Hargeysa, Somaliland