Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud maanta inuu ku horkeeno baarlamaanka ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya si loo ansixiyo.
Kulankii maanta ee baarlamaanka oo ay xaadireen 250 xildhibaan ayaa xubnaha baarlamaanka qaarkood waxay ku taliyeen in ra'iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa hal mar la horkeeno baarlamaanka, balase kuwo kale ayaa ku taliyay in marka hore la ansixiyo ra'iisul wasaaraha.
Doodda kaddib ayaa la isku raacay in marka hore ra'iisul wasaaraha la horkeeno baarlamanaka si cod loogu qaado, iyadoo tani ay imaanayso xilli toddobaadkii hore uu baaqday kulan la doonayay in ra'iisul wasaaraha cusub uu baarlamaanka ku horyimaado si looga dhageysto waxqabadkiisa iyo xukuumadda uu soo dhisi doono.
Sidoo kale, kulanka baarlamaanka ayaa looga hadlay sharci hoosaadyada uu baarlamaanku ku shaqeyn doono afarta sano ee soo socota, iyadoo xildhibaannada loo qaybiyay qoraallo ay soo diyaariyeen guddi horay loogu saaray dib u eegista xeerar hoosaadyada baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoonka baarlamaanka ayaa ku wargeliyay in xildhibaannadu ay muddo shan casho ah soo akhriyaan xeerarka; kaddibna looga doodi doono kulan ka dhaci doona xarunta gaadiidka booliiska si loo ansixiyo xeerarka uu baarlamaanku ku shaqeyn doono.
Kulankii baarlamaanka ee maanta ayaa ahaa mid xasaasi ah, iyadoo xildhibaannadu ay doodo adag ka yeesheen, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo baarlamaanku uu dalbaday in ra'iisul wasaaraha la horkeeno si ay u ansixiyaan si loo soo dhiso dowlad tayo leh.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha oo laga dalbaday inuu laba Maalmood gudahood Ra'iisul Wasaaraha cusub ku horkeeno Baarlamaanka
More News
- Dowladda Spain iyo Hay'adda MSF oo dalbaday in lasii daayo Samafalayaal u dhashay Spain oo ku afduuban Soomaaliya
- Dibadbaxyo Lagu Taageerayo Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo
- Xarakada Al-shabaab oo xilkii ka qaaday Guddoomiyahooda Gobolka Banaadir; iyadoo u magacowday xilkaas Mas'uuliyiin kale
- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta yeelanaya kulan looga hadlayo Xeer hoosaadyada Baarlamaanka
- Dableey hubeysan oo Magaalada Kismaayo ku toogtay nin xoogsade ah iyo ciidamada dowladda oo baaritaanno kawada
- Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo Wasiir u magcaabay Hoggaamiyihii Jabhadda SSC, Suleymaan Xagla-toosiye