Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM iyo kuwa Itoobiya ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyahoodii gobolka Banaadir, Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-Cabdiraxmaan) iyadoo xilkaas loo magacaabay mas'uulkii horay looga qaaday xilka gobolka Banaadir.
Wareegto kasoo baxday xafiiska gobollada iyo siyaasadda ee Al-shabaab ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir loo magacaabay Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo xilkan laga qaaday sannadkii 2011, markaasoo ay inta badan Muqdisho ay ka talinaysay Al-shabaab.
"Maanta laga billaabo waxaa xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir loo magacaabay, Sheekh Clai Maxamed Xuseen (Abuu-Jabal)" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska siyaasadda iyo gobollada Al-shabaab shalay oo Sabti ahayd.
Qoraalkan ayaa lagu sheegay in sidoo kale isbedel weyn lagu sameeyay maamulka gobolka Banaadir, iyadoo isbedelkan lagu sheegay in lagu dar-dargelinayo howlaha Al-shabaab ee gobolka Banaadir.
Magacaabistan cusub ee maamulka gobolka Banaadir ayaa waxay imaanaysaa xilli Xarakada Al-shabaab ay tan iyo sannadkii hore isaga baxaysay degmooyinkii ay kaga sugnayd gobolka Banaadir, kaddib culus badan oo la saaray Al-shabaab.
Xarakada Al-shabaab ayaa sidoo kale lumisay dhul ballaaran oo ay kaga sunayd gobollada Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jirto degmada Kismaayo oo ahayd goobta ay sida aadka ah ugu xoogganaayeen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xarakada Al-shabaab oo xilkii ka qaaday Guddoomiyahooda Gobolka Banaadir; iyadoo u magacowday xilkaas Mas'uuliyiin kale
More News
- Madaxweynaha oo laga dalbaday inuu laba Maalmood gudahood Ra'iisul Wasaaraha cusub ku horkeeno Baarlamaanka
- Dowladda Spain iyo Hay'adda MSF oo dalbaday in lasii daayo Samafalayaal u dhashay Spain oo ku afduuban Soomaaliya
- Dibadbaxyo Lagu Taageerayo Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo
- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta yeelanaya kulan looga hadlayo Xeer hoosaadyada Baarlamaanka
- Dableey hubeysan oo Magaalada Kismaayo ku toogtay nin xoogsade ah iyo ciidamada dowladda oo baaritaanno kawada
- Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo Wasiir u magcaabay Hoggaamiyihii Jabhadda SSC, Suleymaan Xagla-toosiye