4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 14, 2012
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo Wasiir u magcaabay Hoggaamiyihii Jabhadda SSC, Suleymaan Xagla-toosiye
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) ayaa xil wasiir u magacaabay hoggamiyihii jabhadda SSC ee ka dagaalami jirtay deegaanka Buuhoodle, isagoo sidoo kale wasaarad cusub ku daray golaha wasiirrada Somaliland.


Wareegto habeenkii xalay ahaa kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) loo magacaabay wasiirka wasaaradda dib u dajinta Somaliland, iyadoo wasiirkii wasaaradda, Cabdirisaaq Cali Cismaan isna loo magacaabay wasaaradda warshadaha oo aan horay uga mid ahayn wasaaradaha Somaliland.

Sidoo kale, madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta, biyaha iyo tamarta u magacaabay, Cabdisalaan Maxamed Xasan; iyadoo aan la sheegin xilka loo magacaabay wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaraddan.

Wax ka badalka wasaaradaha Somaliland ayaa si weyn looga hadal hayaa saakay deegaannada Somaliland, iyadoo si gaar ah ay dadku uga hadlayaan wasiirnimada loo magacaabay Saleebaan Xagla-toosiyo, iyadoo dadka qaarkood ay soo dhaweyayaan halka kuwo kalena ay kasoo horjeedaan.

Magaacaabidda xilkan ayaa waxay imaanaysaa kaddib markii uu heshiis dhexmaray Somaliland iyo hoggaamiyihii SSC, heshiiskaasoo ay ka mid ahaayeen in ciidamada Somaliland laga raro aagaggii ay kaga sugnaayeen agagaarka Buuhoodle iyo in laga sii daayo xabsiyada Somaliland maxaabiis u xirxirnaa SSC ahaan, kuwaasoo ay Somaliland fulisay.

Saleebaan Xagla-toosiyo ayaa dhankiisa laga doonayaa in dadka daggan goobihii ay ka talin jirtay SSC laga dhaadhiciyo inay Somaliland ka tirsan yihiin, taasoo noqon doonta mid lagu tijaabinayo hoggaamiyhan xilka wasiir loo magacaabay.

Maamulka Somaliland ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo heshiis caynkan oo kale ah la galo jabhad ay dagaalamayeen; iyadoo tani ay imaanayso xilli ay Somaliland weli guluf ugu jirto sidii ay ku heli lahayd aqoonsi caalami ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya