![]() |
Degmada Garbahaaree ee xarunta gobolka Gedo oo kamid ahayd goobihii ay maanta ka dhaceen dibadbaxyada ayaa la arkayay boqollaal dadweeyne ah oo sito boorar ay ku xardhanaayeen halku dhigyo isugu jiro taageero iyo talo soo jeedin kuwaasoo socod dheer kusoo maray wadooyinka magaaladaasi, waxaana ugu danbeyn ay isugu soo urureen goob fagaare ah halkaasoo ay kula hadleen masuuliyiin katirsan maamulka degmadaasi.
Guddoomiyaha degmada Garbahaareey Iimaan Cadow oo goob fagaare ah kula hadlay dadweeynihii dibadbaxa dhigayay ayaa sheegay in maamul ahaan ay soo dhaweynayaan ra'isul wasaaaraha cusub ee Soomaaliya, wuxuuna kula dardaarmay shacabka gobolka Gedo in ay taageeraan islamarkaasina la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.
Madaxweeynaha Soomaaliya ayaa horaantii todobaadkii aynu soo dhaafnay ra'isul wasaaraha afarta sano ee soo socoto u magacaabay Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxaana la filayaa in ra'isul wasaaraha cusub la horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya si uu ugu qaado codka kalsoonida.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
