4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 14, 2012
Dowladda Spain iyo Hay'adda MSF oo dalbaday in lasii daayo Samafalayaal u dhashay Spain oo ku afduuban Soomaaliya
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Dowladda Spain iyo hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa waxay si wadajir ah u dalbadeen in lasii daayo laba haween ah oo u dhashay dalka Spain, kuwaasoo laga afduubay bishii Oktoobar ee sannadkii hore xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya xilli ay howlo caafimaad halkaas ka wadeen.


Haweenkan afduuban oo lagu kala magacaabo, Blanca Thiebaut iyo Montserrat Serra ayaa waxay u shaqeynayeen hay'adda MSF, waxaana tan iyo markii la afduubay lagu haystay gudaha Soomaaliya.

"Blanca iyo Montserrat waxaa laga afduubay 13-kii Oktoobar 2011 xerada IFO oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab-Kenya oo 100-km u jira xuduudda Somaalida iyo Kenya, kaddib markii kooxo hubeysan ay istaajiyeen gaarigii ay la socdeen, dabadeedna kala dageen," ayaa lagu yiri warbixin lagu daabacay shabakad ay leedahay MSF.

Shaqaalahan samafalka ah ayaa la dabaday in si dhaqso ah oo aanay shuruudi ku xirnayn lagu sii daayo, iyadoo aan la ogeyn halka lagu hayo iyo cidda sida tooska ah gacanta ugu haysa; balse haweenkan ayaa sannadkii hore lagu arkay degmada Afgooye oo ay gacanta ku haysay xilligaas Al-shabaab.

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Spain, Gonzalo de Benito ayaa u sheegtay warbaahinta inay qaadi doonaan tallaabo walba oo suurogal ka dhigi karta in shaqaalahaas ay xorriyadooda helaan, balse lama sheegin tallaabada la qaadayo nooceeda.

Qoysaska ay kasoo jeedaan haweenkan ayaa muujiyay walaaca iyo murugadooda ku aaddan afduubka lagu haysto hablahooda iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay sameeyaan wax walba oo lagu xiro si gabadhahooda ay dib xorriyadooda ugu helaan, kaddib hal sano oo afduub ah.

Bishii Feberaayo ee sannadkan ayuu wasiirka arrimaha dibadda ee Spain, Jose Manuel Garcia-Margallo wuxuu warbaahinta u sheegay inay helaan fariimmo muujinaya in labada samafale ee dalkooda u dhashay ay weli nool yihiin.

Ugu yaraan 50 samafalayaan Spain u dhashay ah ayaa lagu afduubay caalamka oo dhan 16-kii sano ee ugu dambeeyay, kuwaasoo ay ku jiraan labada haween ee ku afduuban gudaha Soomaaliya.

Saddex ka mid ah samafalayaasha Spain ee u shaqeynayay MSF ee la afduubay ayaa mid ka mid ah waxaa lagu afduubay sannadkii 1998-kii, halka labada kalena lagu afduubay Puntland sannadihii 2007 iyo 2008, iyagoo howlo shaqo halkaas u jooga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya