10/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 14, 2012
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta yeelanaya kulan looga hadlayo Xeer hoosaadyada Baarlamaanka
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan looga hadlayo xeer-hoosaadyada baarlamaanka ku yeelanaya xarunta golaha shacabka, iyadoo dhawaan guddi loo saaray dib u eegista xeer hoosaadyada baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa lagu wadaa in xildhibaannada qoraalo ay soo diyaariyeen guddigii loo saaray dib u eegista xeer hoosaadyada baarlamaanka, sidoo kaelna waxaa lagu wadaa in lagu dhisi guddi hoosaadyo uu baarlamaanku yeesho.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa xalay loogu baaqay inay soo xaadiraan kulanka looga doodayo xeer hoosaadyada baarlamaanka, iyadoo kulankan uu shir guddoomin doono guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cimsaan Jawaari.

Kulanka ayaa lagu wadaa inuu furmo 9:00 subaxnimo ee saakay, iyadoo kani uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay xildhibaannada baarlamaanka kaga doodaan hab-raacooda shaqo tan iyo markii lasoo xulay bishii Ogoosto ee sannadkan.

Baarlamaanka Soomaaliya oo horay u baajiyay kulan uu ku horimaan lahaa ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya si uu qorshihe howleedkiisa ugu akhriyo xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn xilliga uu qabsoomayo kulankaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/14/2012 6:49 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud maanta inuu ku horkeeno baarlamaanka ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya si loo ansixiyo.

10/14/2012 6:28 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Dowladda Spain iyo hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa waxay si wadajir ah u dalbadeen in lasii daayo laba haween ah oo u dhashay dalka Spain, kuwaasoo laga afduubay bishii Oktoobar ee sannadkii hore xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya xilli ay howlo caafimaad halkaas ka wadeen.

10/14/2012 6:14 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Dibadbaxyo ballaaran oo lagu taageerayo ra'iisul wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa siyaabo kala duwan uga dhacay qaar katirsan degmooyinka gobolka Gedo.

10/14/2012 6:13 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM iyo kuwa Itoobiya ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyahoodii gobolka Banaadir, Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-Cabdiraxmaan) iyadoo xilkaas loo magacaabay mas'uulkii horay looga qaaday xilka gobolka Banaadir.

10/14/2012 4:07 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Kooxo Baastoolado ku hubeysan oo aan ilaa imika la garanayn cidda ay ka amarqaataan ayaa xalay toogasho ku dilay mid kamid ah odoyaasha dhaqanka magaalada Kismaayo xilli uu kasoo baxay masaajid uu ku tukaday saladdii Cishaha.

10/14/2012 3:57 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) ayaa xil wasiir u magacaabay hoggamiyihii jabhadda SSC ee ka dagaalami jirtay deegaanka Buuhoodle, isagoo sidoo kale wasaarad cusub ku daray golaha wasiirrada Somaliland.