3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 14, 2012
Dableey hubeysan oo Magaalada Kismaayo ku toogtay nin xoogsade ah iyo ciidamada dowladda oo baaritaanno kawada
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Kooxo Baastoolado ku hubeysan oo aan ilaa imika la garanayn cidda ay ka amarqaataan ayaa xalay toogasho ku dilay mid kamid ah odoyaasha dhaqanka magaalada Kismaayo xilli uu kasoo baxay masaajid uu ku tukaday saladdii Cishaha.

Goobjooge ku sugnaa nawaaxiga halka uu dilka ka dhacay oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto ayaa HOL u sheegay in nimanka dilka geystay ay gaarayeen ilaa sedex nin oo ku hubeysnaa bastoolado islamarkaasina wejiyada qarsaday, wuxuuna sheegay in odayga ay ku toogteen meel aan sidaa uga fogeyn masaajidka.

"Dhowr xabadood ayay ku dhufteen, markii ay hubsadeen in uu dhintayna way ka baxsadeen goobta," sidaa ayuu goobjooguhu hadalkiisii raaciyay.

Dilka markii uu dhacay kadib ayaa waxa goobta soo gaaray ciidamo katirsan kuwa dowladda iyo Raaskaambooni, kuwaasoo goobta ka bilaabay baaritanno walow aysan jirin cid ay u qabteen dilkaasi.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii xoogagga Al-shabaab ay isaga baxeen magaalada Kismaayo, waxa soo badanayay dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxaana madaxda dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ay sheegeen in ay wax ka qaban doonaan falalka amni darro ee ka dhaca magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya












Click here
10/14/2012 6:49 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud maanta inuu ku horkeeno baarlamaanka ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya si loo ansixiyo.

10/14/2012 6:28 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Dowladda Spain iyo hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa waxay si wadajir ah u dalbadeen in lasii daayo laba haween ah oo u dhashay dalka Spain, kuwaasoo laga afduubay bishii Oktoobar ee sannadkii hore xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya xilli ay howlo caafimaad halkaas ka wadeen.

10/14/2012 6:14 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Dibadbaxyo ballaaran oo lagu taageerayo ra'iisul wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa siyaabo kala duwan uga dhacay qaar katirsan degmooyinka gobolka Gedo.

10/14/2012 6:13 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM iyo kuwa Itoobiya ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyahoodii gobolka Banaadir, Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-Cabdiraxmaan) iyadoo xilkaas loo magacaabay mas'uulkii horay looga qaaday xilka gobolka Banaadir.

10/14/2012 4:15 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan looga hadlayo xeer-hoosaadyada baarlamaanka ku yeelanaya xarunta golaha shacabka, iyadoo dhawaan guddi loo saaray dib u eegista xeer hoosaadyada baarlamaanka Soomaaliya.

10/14/2012 3:57 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) ayaa xil wasiir u magacaabay hoggamiyihii jabhadda SSC ee ka dagaalami jirtay deegaanka Buuhoodle, isagoo sidoo kale wasaarad cusub ku daray golaha wasiirrada Somaliland.