12/8/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2012
Guddoomiyaha Xisbiga DADKA oo ka digay in laga hortimaddo Dastuurka iyo Dadaalka ay Beesha Caalamku waddo


Jimco, May 18, 2012 (HOL) — Gudoomiyaha Xisbiga DADKA Saciid Ciise Maxamuud oo ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jirta ayaa ku dhawaaqay inuu ka mid yahay musharaxinta u taagan doorashada madaxweynaha Soomaaliya, isagoo dhinaca kalena faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha u qorsheysan haddii uu doorashadaas ku guuleysto iyo xaaladaha kale ee ka taagan dalka sida dastuurka.

Isagoo ka hadlayey xaflad ku saabsan musharaxnimadiisa oo shalay lagu qabtay magaalada Muqddisho ayuu ku sheegay inuu wax badan ka qaban doono haddii xilkaas loo doorto oo celinta adeegyada guud ee bulshada sida biyaha, korontada, waxbarashada, caafimaadka iyo nadafaada guud, uuna shaqooyin u abuuri doono kumanaanka dhallinyarada ah oo isugu jira aqoon-yahanno iyo xoogsato.

"Dalku wuxuu bilihii ugu dambeeyay ku jiray xaalad kala guur ah iyadoo la filayo inay timaado dowlad bedesha mida KMG ah ee hadda shaqeynaysa sida madaxweyne cusub, baarlamaan cusub iyo xukuumd cusub; xaaladaha noocan ah waa kuwa ugu dhibka badan caalamka, waxaana loo baahan yahay inaan uga gudubno maskax, dadaal iyo daacadnmo," ayuu yiro Saciid Ciise oo intaa ku daray in dhibaatooyin badan la soo maray, loona baahan yahay in dersi laga qaato.


Prof. Saciid Ciise ayaa intaa ku daray in dastuurku uu yahay xeerkii kala hagi lahaa ummadda iyo madaxda dowlada la’aantiisna aysan suurogal ahayn in dowladnimo la gaaro, wuxuuna xusay in dadweynuhu ay xaq u leeyihiin inay ka hadlaan haddii ay u arkiaan qodobbadiisa kuwo aan u qalmin in lagu daro; hase ahaatee aysan xaq u laheyn inay yiraahdaan dastuur ma rabo wuxuuna ka faalooday dastuuradii kala duwanaa ee dalka soo maray iyo halkii ay ku dambeeyeen. .

"Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa inaan laga hor-imaan beesha caalamka oo uu sheegay inay shacabka Soomaliyeed ka taageerayaan sidii dowladnimo iyo nabad ku gaari lahaayeen. Haddii laga hor-yimaado dalku wuxuu halis u yahay inuu galo xaalad aad u daran," ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga dadka.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in la waayi doonaa dowlad dhexe ayna dadka u talin doonaan maamulo ku saleysan qabiil ama kooxo sidii ay rabaan dalka iyo dadka u galaysa.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/18/2012 11:45 AM EST
Ra’iisul wasaarihii hore ee Sweden ee sagaashameeyadii (90s) dowrka weyn ka ciyaaray soo dhaweyntii qaxootiga Soomaalida ahna Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sweden, Honorable Carl Bildt, ayaa Hay’ada lagumagacaabo CANADIAN EYE ON AFRICA

5/18/2012 8:04 AM EST
Jimco, May 18, 2012 (HOL)- sanad guuradii 21aad ee ka soo wareegtay markii somaliland ka go’day soomaaliya inteedda kale 18 May 1991kii, ayaa maanta si weyn looga dabaal degay magaalooyinka waaweyn ee somaliland.

5/18/2012 7:55 AM EST
Jimco, May 18, 2012(HOL): Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa maanta si heer sara ah loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

5/18/2012 5:00 AM EST
Jimco, May 18, 2012 (HOL) — Maxkamadda Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay inay maxkamadeynayso 11-qof oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya.

5/18/2012 4:35 AM EST
Jimco, May 18, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in dastuurka loo ansixin doono qaab KMG ah inta afti dadweyne looga qaadayo, isagoo intaas ku daray in dhawaan loo gudbin doono dastuurka guddigii loogu talogalay inay ansixiyaan.

5/18/2012 4:25 AM EST
Jimco, May 18, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada Itoobiya ee Baydhabo ku sugan ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin ay ku adkeynayaan ammaanka guud ee degmada Baydhabo.

5/18/2012 4:18 AM EST
Jimco, May 18, 2012 (HOL) — Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Dharkeenley, iyadoo dagaalka ahaa mid laga maqlayay inta badan magaalada Muqdisho la iskuna adeegsaday hub kala duwan.