4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in dastuurka loo ansixinayo qaab KMG ah inta afti guud looga qaadayo

Jimco, May 18, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in dastuurka loo ansixin doono qaab KMG ah inta afti dadweyne looga qaadayo, isagoo intaas ku daray in dhawaan loo gudbin doono dastuurka guddigii loogu talogalay inay ansixiyaan.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in dowladdiisa ay ka go'an tahay inay dalka oo dhan ka saarto xoogagga hubeysan ee Al-shabaab ka hor inta ka horreysa bisha Ogoosto ee sannadkan oo xilliga DKMG ah uu ku eg-yahay.

"Ergooyinka 825-ta xubnood ah ay soo xulayaan odayaasha dhaqanka waxay si KMG ah u ansixin doonaan dastuurka, kaddib wuxuu mari doonaa afti dadweyne xilligaas oo la oran karo waa dastuur ay ummaddu isku raacday," ayuu yiri C/weli Gaas.

Ra'iisul wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay kulan looga hadlayay xurriyatul-qowlka oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu halkaas ka sheegay in dowladdiisu aysan ogolaanayn in dhibaatooyin loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed.

"Dowladda waxaa u qorsheysan inay dalka oo dhan ka saarto Al-shabaab inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sanadkan," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo rajo weyn ka muujiyay in dowladda oo isku baahisay gobollada dalka uu dhammaado xilligeeda shaqo.

Hadalka rar'iisul wasaaraha Soomaaliya ee ku aaddan dastuurka ansixintiisa ayaa wuxu kusoo beegmayaa iyadoo ay jiraan cabashooyin laga qabo dastuurka, kuwaas oo ay ka mid tahay cabashada kasoo yeertay Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya