4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2012
Donald Yamamoto: "Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa hirgalinta Heshiiska Roadmap ee looga baxayo KMG-nimada"

Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Ku xigeenka xoghayaha arrimaha Afrika ee dalka Mareykanka, Donald Yamamoto oo maanta oo Arbaco ah shir jaraa’id ku qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa kaga hadlay dhowr arrimood oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya oo ay ka mid tahay waqtiga u harsan dowladda KMG iyo hirgalinta qodobbada qariirada nabadda "Raodmap".

Mr. Yamamoto ayaa ugu horreyn ka hadlay kulamo uu maalmihii ugu dambeeyey la qaadanayey qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Mareykanka, wuxuuna ujeedada kulamadaasi ku micneeyey isku-dayo ay dowladda Mareykanku uga gol-leedahay in qurba-joogta Soomaalida ah ee dalkeeda ku dhaqan lagula socodsiiyo xaaladda uu marayo dalka Soomaaliya, xiliga kala guurka iyo waliba in la-weydiiyo fikradaha ay ka qabaan geeddi-socodka nabadda ee haatan Soomaaliya ka soconaya.

Agoosto kaddib iyo Xiliga kala Guurka:

Danjire Yamamoto ayaa mar uu ka hadlay xiliga kala guurka Soomaaliya ayuu xusay in dowladda Mareykanku ay rajo-wanaagsan ka qabto siddii isbadal looga dhalin lahaa Soomaaliya, gaar ahaanna hirgalinta qariirada nabadda "Roadmap", inkastoo uu xusay inay horyaallaan caqabado dhowr ah oo ay ka mid tahay in Soomaalida qaarkood ay su’aalo ka keeneen dastuurka cusub ee la doonayo in Soomaaliya loo sameeyo oo ka mid ahaa qodobada qariirada nabadda "Roadmap".

Yamamoto oo warfidiyeennadu su’aalo weydiinayeen ayaa mar uu ka jawaabayay su’aal ay weydiisay HOL oo ahayd rajada ay dowladda Mareykanku ka qabto waxa xigi doona bisha Ogoosto iyo hirgelinta qariirada nabadda ayuu sheegay inay adag tahay in la saadaaliyo waxa Soomaaliya ka dhacaya bisha Agoosto kaddib iyo sidoo kale cida xilka la wareegi doonta, hase ahaatee wuxuu carrabka ku dhuftay inay rajeynayaan in la hirgaliyo qodobbada Roadmap-ka ama qariirada nabadda ku xusan oo ah qorshe ay fulintiisu hortaallo dowladda haatan Soomaaliya ka jirta.

Taageerada Beesha Caalamka:

Donald Yamamoto ayaa dhinaca kale mar uu ka hadlayay inay beesha caalamka ka go’an tahay bixinta dhaqaalaha lagu fulinayo qariirada nabadda, ayuu sheegay inay beesha caalamku bixisay dhaqaale haatanna ay diyaar u tahay in taageero la siiyo dowladda Soomaaliya si ay fuliso howlaha horyaalla, hase ahaatee aan marnaba la aqbali doonin waqti kordhin danbe oo loo sameeyo dowladda haatan jirta.

Awooda Al-Shabab:

Yamamoto, ayaa mar uu ka hadlayey xaaladda ammaan ee Soomaaliya wuxuu sheegay in la wiiqay awooda Al-shabaab tan iyo wixii ka dambeeyey markii la dilay hoggaamiyii guud ee ururka Al-qaacida Osama bin Laden, isla markaasna ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ku guuleysteen inay kooxdaas ka saaraan dhul-ballaaran oo ay kaga sugnaayeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid tahay Muqdisho, kuwa kalrna ay wali ku sii wajahan yihiin.

Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota