4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2012
Xildhibaan Ibraahim Xabeeb oo sheegay in doorashadii baarlamaanka Al-Jeeriya ay u dhacday si Cadaalad ah


Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur oo ka mid ahaa guddigii baarlamaanka bariga Afrika ee kormeerayay doorashadii baarlamaanka dalka Al-jeeriya ayaa sheegay in doorashada baarlamaan ee dalkaas ay u dhacday si cad oo cadaalad ah.

Mudane Ibraahim Xabeeb oo ah guddoomiye ku xigeenka dalalka Bariga Afrika ee baarlamaanka Afrika ayaa sheegay in doorashada xildhibaannadu Al-jeeriya ay ka dhacday guud ahaan dalkaas, ayna ku guuleysteen kuraasta baarlamaanka xisbiga talada haya iyo xisbi kale.

"Aniga waxaa madax la iiga dhigay doorashadii ka dhacaysay xarunta dalka Aljeeriya ee Al-jeeris, waxaana kormeeraynay in ka badan 1,000 goobood oo doorashadu ay ka dhacaysay, runtiina doorashadu waxay u dhacday si cadaalad ah," ayuu mudane Xabeeb u sheegay HOL.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in la doortay 460-xildhibaan ugu dambeyn warbixintii ay guddiga kormeerayaasha doorashada soo saareen ayaa lagu sheegay in doorashadu ay ahayd mid cadaalada ah.

Guddiga Afrika ee kormeerayay doorashada baarlamaanka Al-jeeriya ayaa waxaa hoggaaminayay madaxweynihii hore ee dalka Musambiik Joaquim Alberto Chissano waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaa xidlhibaanno caalami ah, safiirrada iyo xubno ka socday bulshada rayidka Afrika.

Dhammaan 40-kii dal ee Afrika goobjoogga uga ahaa doorashada oo ay ka mid ahaayeen; Soomaaliya, Itoobiya, Ugandan, Jabuuti iyo Tanzania ayuu xildhibaan Xabeeb ka ahaa qofka keliya ee Soomaaliya kia socday.

Ugu dambeyn, xildhibaanku wuxuu sheegay in doorashada Al-jeeriya ka dhacday ay ku tartamayeen 36-xisbi oo ay ku jireen xisbiyada mucaaradka ah ee dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya