4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2012
MSF oo wax ka badaleysa gargaarka caafimaad ee ay ka bixisa Galgaduud xaaladda amaanka oo sii xumaneysa awadeed

Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Xaaladda ammaanka oo sii xumaaneysa awadeed ayay hay'adda MSF waxay sameysay go’aan adag oo ah inay xirto mashruucyada degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Xiin-dheere kuwaasoo la furay sanadihii 2006-dii iyo 2008-kii.

Hay'addu dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF waxay sidoo kale intaas dheer in wax laga badali doono taageerada ay siiso isbitaalka Istarliin ee degmada Guricel.

"Xaaladda ammaanka ee degmooyinkan oo sii xumaaneysa ayaan u fasixi Karin MSF inay howlgalkeedi u sii wado sidii caadiga ahayd ee ay kormeeridda ku sameyn jireen shaqaalaha caalamiga ah oo caawinaya kuwa maxaliga ah," ayuu yiri Bertrand Parrochet oo ah madaxa hay’adda MSF ee mashruucyada Soomaaliya.

"Laakiin waxaan rajeyneynaa in shaqaalaheenna sida fiican u tababaran ay dadka deegaanka u sii wadi karaan bixinta adeeg asaasi ah ee caafimaadka oo heer sara ah," ayuu mar kale yiri madaxa mashaariicda MSF ee Soomaaliya.

Sanadihii la soo dhaafay hay'adda MSF waxay si weyn u maal-gelisay tababarka ay siiso shaqaalaha isbitaalka Istarliin ee degmada Guriceel iyo bixinta adeegyada caafimaad ee casriga ah ee meel fog laga hago iyadoo la adeegsanaayo qalabka lagu wada xiriiro.

"Iyadoo la isticmaalayo qaabka cusub ee ismaamul ah shaqaalaha caalamiga ah ee MSF waxay la-talin caafimaad bixin doonaan iyagoo goob fog ku sugan; waxayna sidoo kale caawin doonaan shaqaalaha maxaliga ee ka howlgala isbitaalka Istarlin," ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay MSF.

Hay'adda MSF waxay si joogta ah uga shaqeynaysay dalka Somalia tan iyo sanadkii 1991di. MSF waxay ku tiirsan tahay deeqaha shakhsiyaadka ay bixiyaan si ay u maal-gelisa howlaheeda Soomaaliya, iyadoo an wax-deeq ah ka qaadanin dowladaha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya