4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 12, 2012
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay in Hay’adihii laga Mamnuucay Gobolka ay dib howlahoodii u bilaabeen

Sabti, May 12, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan. Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in maamulkiisu uu wax badan ka qabtay muddadii uu xilka hayay arrimaha amaanka, samafalka iyo weliba dib-u-dhiska.

Mudane Afrax wuxuu sheegay in wax badan lagu guuleystay wax ka qabashada nabad-galyada magaalada, gaar ahaan waxaa uu sheegay in ciidamada maamulka gobollka iyo kuwa Itoobiya saacad walba ku howlan yihiin sidii loo sugi lahaa amaanka magaalada, iyadoo laga foojigan yahay dhibaato soo gaarta dadka rayidka.

"Inta badan waa la fashiliyaan falalka amaan darro oo ay soo abaabulaan kooxaha nabada kaa soo horjeeda, taana waxaa ay sahashay in dadka ku dhaqan magaalada si nabad-galyo ah howlahooda ku qabsadaan,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Dhinaca samafalka mar uu soo hadal qaaday waxaa uu sheegay in ay maamulku xooga saaray sidii dib loogu soo celin lahaa hay’addihii samafalka ee kol hore laga mamnuucay gobollka, iyaga oo xafiisyadooda ka furanaya magaalada Beledweyne.

"Hadda intooda badan hay’addihii samafalka laga mamnuucay magaalada dib ayeey howlahoodii shaqo u bilaabeen, waxaana ay diyaar u yihiin in ay gargaar dadka dhibaateysan, annaga marar badan ayaan kala hadallnay in la kaalmeeyo dadka u baahan gargaarka,’’ ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maamulkiisu dib u dhis ku bilaabay xarumihii dowladda ee ku bur buray dagaallada, isaga oo si gaar ah carab-ka ugu dhuftay saldhiga baliiska oo sida uu sheegay lagu sameeyay dayactir xoog leh.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka C/fitaax Xasan ayaa ka codsaday shacab-ka in ay gacan siiyaan ciidamada u taagan sidii sugi lahaa nabad-galyada oo sida uu hadalka u dhigay saldhiga aas-aaska qeybaha kala gadisa ee nolasha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne. Soomaaliya