4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 7 , 2012
Talyaha AMISOM oo booqday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose lana hadlay ciidamada AMISOM (SAWIRRO)


Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa maalin ka hor booqasho gaaban ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada, halkasoo laba todobaad ka hor ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

Booqashadan oo ahayd mid saxaafadda laga qariyay ayaa ahayd mid uu taliyayhas AMISOM ugu kuur-galayay xaaladda ammaan ee degmadaas, kaddib markii laga qabsaday Al-shabaab ee ka talin jiray.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay howsha aad qabateen waanan ujeedaan," ayuu yiri taliyaha AMISOM oo intaas ku daray. "Inkastoo howlo badan la qabtay hadana weli waxaa idin sugaya howlo kale oo cusub."

Taliyaha ayaa booqday saldhigyada ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedyada degmada Afgooye, halkaasoo ahayd goobtii uu ciidamada ku sugan degmadaas kula hadlay.

Degmada Afgooye oo 30-km waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho ayaa waxaa si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM, iyadoo dadka degmadaas ku nool ay ka cabanayaan dhac ay ciidamadu u geystaan.

Jen. Gutti ayaa noqonaya taliyihii ugu horreeyay AMISOM oo booqasho ku taga meel ka baxsan magaalada Muqdisho oo ay ciidamada Midowga Afrika gacanta ku hayaan.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa kula dardaarmay ciidamada AMISOM iyo kuwa DF ee ku sugan degmada Afgooye iyo daafaheeda inay adkeeyaan ammaanka, ayna u diyaar-garoobaan howgallo kale oo ka dhan ah Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya