
Jimco, June 29, 2012 (HOL) - Scott Gration ayaa la sheegay inuu is casilaadiisa u
gudbiyay isniintii hore madaxweynaha dalka Maraykanka Barrack Obama iyo
xoghayaha arrimaha dibada Hillary cilinton.
Iscasilaada Gration waxaa lagu micneeyay is faham la’aan
dhanka hogaanka ah .
Waxaana uu xilkan banneeyay, kadib markii uu soo
hayay tan iyo bishii May ee sannadkii 2011ka.
Scott Gration oo muddo dheer ku noolaa dalka Kenya
ka hor inta aanu safiirka noqon kuna hadli jiray luuqada Ksiwahiliga ayaa
sheegay inuu ku faraxsanyahay in muddo ka badan 35 sano uu u adeegeeyay
dalkiisa.
Waxaa uu sheegay inuu isaga iyo xaaskiisa Juddy ay
farxad u ahayd markii uu noqday safiirka Maraykanka u jooga dalka Kenya, uuna
uga faa’iidaysan karo fursadaas aqoontiisa qotoda dheer ee u leeyahay dalka
Kenya.
Scott Gration ayaa badalay markii hore safiirkii ka
horreeyay isaga Michael Renebegar oo
lagu tilmaami jiray inuu ahaa nin saamayn wayn ku leh siyaasada dalka Kenya,
balse la badalay markii lasoo bandhigay warbixinnadii sirta ahaa ee Wikileaks,
taasoo xumaysay xiriiirka ka dhexeeyay Renebegar iyo madaxda dalka Kenya.
Ma cada cida badali doonta Scott Gration oo horayna u ahaan jiray ergayga Maraykanka u qaabilsanaa Sudan intii aysan kala go'in.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya