3/31/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 27, 2012
Madaxweynaha DKMG Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland oo lagu wado inay ku kulmaan Magaalada Dubai

Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Madaxweynayaasha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda ku kulmaan magaalada Dubai ee isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Sheekh Shariif iyo Axmed Siilaanyo ayaa kulankooda wuxuu daba-socdaa shirkii toddobaadkii hore lagu qabtay duleedka magaalada London ee dhexmaray wufuudda ka kala socotay Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gallinkii dambe tagay magaalada Dubai, halkaasoo uu maanta kaga qayb-galayo shir looga hadlayo arrimaha burcadbadeedda.

Axmed Siilaanyo ayaa isaguna maanta u dhoofay magaalada Dubai, iyadoo labada madaxweyne ay ka hadli doonaan sidii loo sii ambaqaadi lahaa wadahadallada u billowday Soomaaliya iyo Somaliland.

Somaliland oo 20-sano ka hor ku dhawaaqay inuu ka go'ay Soomaaliya inteeda kale, ayaa waxay weli ku adkeysanayaan inaysan dib ula midoobayn Soomaaliya, iyagoo ka cabanaya tacadiyo ay sheegeen in loo geystay.

Madaxweyne Siilaanyo oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 26-ka Juun oo xalay ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa sheegay in gooni-isu-taagga Somaliland uu yahay mid lagama laabtaan ah, wuxuuse soo dhaweeyay wadahadalka billlowday.

Dhanka kale, madaxda Soomaalida oo shalay ka hadlay 26-ka Juun ayaa sheegay in wadahadalka billowday ay hordhac u yihiin sidii dib loogu soo celin lahaa midnimada Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn halka ay arrintu ku dambeyn doonto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/27/2012 8:40 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Wararka ka imaanaya degmada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKMG ee ku sugan degmadaas ay toogasho ku dileen saddex dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.


6/27/2012 7:46 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayey maalintii calankii ugu horeeyey ee soomaali yeelato laga taagay magaaladda Hargeysa ee 26 june, 1960, ayaa xalay si weyn dabaaldeg loogu sameeyey xarunta madaxtooyadda Somaliland ee magaaladda Hargeysa.

6/27/2012 7:43 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayay munaasabad maanta loo qabtay 35-sano guuradii kasoo wareegtay markii Jabuuti ay xorriyadeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska ayaa sheegay inay wax walba ku garab-istaagayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.

6/27/2012 7:42 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee dalka Holland ahna guddoomiyaha xisbiga mideynta dhallinyarada Soomaaliyeed, Maxamed Abuukar Sheekh Xasan (M. Deeq) oo dhawaan soo gaaray Muqdisho ayaa degmada Dharkeynley ee Muqisho kula kulmay boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah.

6/27/2012 6:34 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 43-qof oo la rumeysan yahay inay kala ahaayeen Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa laga helay maydadkooda gaari booyad ah oo ay doonayeen inay kaga tallaabaan xuduudda dalka Tanzania.

6/27/2012 6:04 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Kulan magaalada Beledweyne ku dhaxmaray mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowlada Itoobiya ee gacanta militari siinaya maamulka gobollka, ayaa si gaar ah diirada loogu saaray xaalada nabad-galyo ee magaalada Beledweyne.

6/27/2012 4:36 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerar gaadmo ah oo ka dhacay deegaanka Haluqa oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ay ku dileen askar badan oo Kenya ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

6/27/2012 4:17 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ee ku sugan Soomaaliya ay halkaas isaga soo bixi doonaan markii ay dhameeyaan howsha nabadda lagu raadinayo, sidoo kalena ay fasaxdo dowladda Soomaaliya oo ay caawinayaan.

6/27/2012 4:02 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Taliyaha Booliska Somaliland Jen. Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen ninkii ka dambeeyey toogashadii guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa ee dhowaanta lagu toogtay bariga magaaladda Hargeysa.

6/27/2012 3:56 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga, Cusman Maxamed Gacal ayaa ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan ka qaybgala doorshooyinka madaxweyne ee Soomaaliya ee dhacaya bisha Ogoosto sannadkan.