3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 27, 2012
Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in dalkiisa ay ka go'an tahay inay wax walba ku garab Isgaataan Soomaaliya
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayay munaasabad maanta loo qabtay 35-sano guuradii kasoo wareegtay markii Jabuuti ay xorriyadeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska ayaa sheegay inay wax walba ku garab-istaagayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.

Geelle oo khubaddii uu ugu talogalay maalinta xorriyadda dalkiisa ka jeediyay xarunta madaxtooyada dalkaas ayaa kaga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dalkiisu uu ciidammo u diray Soomaaliya si ay gacan uga geystaan dib u soo celinta nabadda iyo xasilloonida.

"Ciidammo ayaan u dirnay Soomaaliya, kuwaasoo naftooda u huraya sidii ay uga dhicin lahaayeen cadowga Al-Qaacida ee halkaas jooga. Sidoo kale waxay ka shaqeyn doonaan sidii ay kusoo celin lahaa nabadda iyo sharafta walaalaheenna Soomaaliyeed," ayuu yiri Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dastuurka iyo doorashada madaxnimo ee la filayo inay Soomaaliya ka dhacaan bisha Ogoosto ee sannadkan, isagoo sheegay inay tahay guul weyn oo ay Soomaaliya kaga baxayso colaadaha ayna ugu gudbayso nabad iyo baraare.

"Waxba ka reeban maynno walaalaheenna Soomaaliyeed, waayo fulaynimo nama haysno mana jirto sabab aan wax uga reebanno, waxaa naga go'an inaan gurmadkii aan awoodno u fidinno," ayuu Geelle ku yiri khudbaddiisa.

Dalka Jabuuti ayaa waxay bishii Diseember ee sannadkan ay ciidamo u soo direen dalka Soomaaliya, kuwaasoo ku biiray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo ciidamadaas la geeyay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ka howlgeli doonaan.

Kumannaan askarta dalka Jabuuti ka tirsan ayaa waxay dhoolla-tusyo kusoo bandhigeen bartamaha magaalada Jabuuti, iyadoo shacabka dalkaas ay aad uga qayb-qaadanayeen tan iyo xalay dabaal-dagyo loo sameynayay maalinta xorriyadda dalkaas.

Dalka Jabuuti ayaa xorriyadiisa ka qaatay Faransiiska sannadkii 1977-kii, waxaana dowladdii Soomaaliya ay ka mid ahayd dalalkii gacanta weyn ka geystay sidii ay Jabuuti uga xoroobi lahayd gumeystihii Faransiiska.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/27/2012 8:40 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Wararka ka imaanaya degmada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKMG ee ku sugan degmadaas ay toogasho ku dileen saddex dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.


6/27/2012 7:46 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayey maalintii calankii ugu horeeyey ee soomaali yeelato laga taagay magaaladda Hargeysa ee 26 june, 1960, ayaa xalay si weyn dabaaldeg loogu sameeyey xarunta madaxtooyadda Somaliland ee magaaladda Hargeysa.

6/27/2012 7:42 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee dalka Holland ahna guddoomiyaha xisbiga mideynta dhallinyarada Soomaaliyeed, Maxamed Abuukar Sheekh Xasan (M. Deeq) oo dhawaan soo gaaray Muqdisho ayaa degmada Dharkeynley ee Muqisho kula kulmay boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah.

6/27/2012 6:34 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 43-qof oo la rumeysan yahay inay kala ahaayeen Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa laga helay maydadkooda gaari booyad ah oo ay doonayeen inay kaga tallaabaan xuduudda dalka Tanzania.

6/27/2012 6:04 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Kulan magaalada Beledweyne ku dhaxmaray mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowlada Itoobiya ee gacanta militari siinaya maamulka gobollka, ayaa si gaar ah diirada loogu saaray xaalada nabad-galyo ee magaalada Beledweyne.

6/27/2012 4:36 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerar gaadmo ah oo ka dhacay deegaanka Haluqa oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ay ku dileen askar badan oo Kenya ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

6/27/2012 4:17 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ee ku sugan Soomaaliya ay halkaas isaga soo bixi doonaan markii ay dhameeyaan howsha nabadda lagu raadinayo, sidoo kalena ay fasaxdo dowladda Soomaaliya oo ay caawinayaan.

6/27/2012 4:02 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Taliyaha Booliska Somaliland Jen. Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen ninkii ka dambeeyey toogashadii guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa ee dhowaanta lagu toogtay bariga magaaladda Hargeysa.

6/27/2012 3:59 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Madaxweynayaasha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda ku kulmaan magaalada Dubai ee isu-tagga Imaaraadka Carabta.

6/27/2012 3:56 AM EST
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga, Cusman Maxamed Gacal ayaa ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan ka qaybgala doorshooyinka madaxweyne ee Soomaaliya ee dhacaya bisha Ogoosto sannadkan.