4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 27, 2012
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Holland oo Muqdisho kula kulmay Dhallinyarada Soomaaliyeed


Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee dalka Holland ahna guddoomiyaha xisbiga mideynta dhallinyarada Soomaaliyeed, Maxamed Abuukar Sheekh Xasan (M. Deeq) oo dhawaan soo gaaray Muqdisho ayaa degmada Dharkeynley ee Muqisho kula kulmay boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah.

Guddoomiyaha xisbiga mideynta dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYUP ayaa sheegay in dalka ay ka sameynayaan xarumo ay dhallinyaradu isugu yimaadeen, isagoo hadal dheer oo uu u jeediyay dhallinyarada ku xusay in dhallinyradu yihiin awooda kaliya ee sameyn karta waxa ku haminayaan.

"Dhallinyaradu waa kuwa iyagoo aan hub wadan awoodii ka tuuray dowlado xoogag waaweyn oo ka jiray dalalka Carabta qaarkood, waxaana hubaa haddii aad isku-xir sameysaan inaad gaari doontiin yoolkiina," ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga SYUP.

Maxamed Deeq oo arrimo badan ka hadlay ayaa wuxuu ka hadlay ololaha ay dalka Holland ka wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool, isagoona xusay in magaalada Muqdisho ay kusoo jeedaan 820-dhallinyaro ah, kuwaasoo doonaya inay bisha dambe Muqdisho ka billaabi doonaan olole nadaafadeed oo ay kusoo celinayaan bilicda caasimadda.

"Soomaaliya way kasoo daashay shirar dib u heshiisiin, Roadmap-kana waa mid aan la yaabannahay ," ayuu yiri, isagoo xusay in Soomaaliya aanay suuro-gal ka ahayn nidaam dowli ah inuu ka dhasho maadaama aanay jirin dal iyo dad la maamulo.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Annaga uma aragno in Soomaaliya inta dalku sidaan yahay in la raadsho madaxtinimo." isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in marka hore dalka lagu sameeyo dib-u-dhis, lana horumariyo aqoonta shacabka si iyagu ay u doortaan ciddii xukumi lahayd.

Dhinaca kale; mas'uulkan ayaa waxaa su'aallo weydiiyay suxufiyiintii kulankaas ka qaybgalay iyo dhallihyaradii uu la hadlayay, waxaana su'aalaha intooda badan ay ku saabsanaayeen waxyaabaha uu xisbigu kusoo kordhin karo dhalliyarada, isagoo si wanaagsan uga jawaabay su'aalahaas.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya