4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 27, 2012
Munaasibad loogu Dabaaldegayo maalintii ugu horeysay ee calan soomaali leedahay la taago oo xalay xarunta madaxtooyadda Somaliland laga xusay
XAFLADSOM7.jpg
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayey maalintii calankii ugu horeeyey ee soomaali yeelato laga taagay magaaladda Hargeysa ee 26 june, 1960, ayaa xalay si weyn dabaaldeg loogu sameeyey xarunta madaxtooyadda Somaliland ee magaaladda Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamed (Siillaanyo), ayaa xalay munaasibad iskugu jirta Casho sharaf iyo madadaalo ku casuumay in ka badan laba boqol oo qof oo iskugu jira waxgaradka, madax dhaqameedka, siyaasiyiin iyo bulshadda qaybaheedda kala duwan xarunta madaxtooyadda, halkaas oo khudbad kooban oo uu kaga hadlayo mustaqbalka Somaliland iyo sida ay uga go’antahay madax banaanida Somaliland ka jeediyey, isla markaana dadkii madasha iskugu yimid ku hambalyeeyey qiimaha ay maalintani leedahay.

Madaxweynaha waxa garab fadhiyey madaxweyne ku xigeenka Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, madaxweynihii hore ee Somalilnad Daahir Rayaale Kaahin, madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin, guddoomiyaha goloha Wakiiladda, Md:Cabdiraxmaan Cirro, xoghayaha guud ee golaha Guurtidda, Taliyeyaasha ciimadda Milatariga, Booliska, Aslaabtu iyo Badda iyo dadweyne kale.

XAFLADSOM6.jpg
Xaga marwooyinka madaxweyneyaasha waxa is ag fadhiyey, marwadda kowaad ee dalka Marwo: Aamino Waris, marwadda labaad ee madaxweyne ku xigeenka Marwo: Raxma X. Maxamuud Suldaan,  marwaddii madaxweynihii hore  Marwo: Hudda Barkhad, marwaddii hore ee madaxweynihii geeriyooday Maxamed X. Ibraahim Cigaal, Khaltuun X. Daahir iyo wasiirka Waxbarashadda Somaliland Marwo:Samsam Cabdi Aadan.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo, ayaa dadka uga sheekeeyey taariikhdii ay Somaliland soo martay iyo wakhtigii gumaysiga ingiriisku dalkan ka talin jiray, waxaanu xusay in midowgii labadda dalka uu keenay hami wakhtigaasi socday oo ahaa in shanta soomaali la isku keeno, taasina markii dambe socon wayday.

“Dabaal-degani wuxuu mar walba inoo noqon doonaa wax mar walba ina xasuusinaya taariikhdii aynu soo marnay.Waxaanu halkan ka cadaynaynaa Somaliland oo maanta dumuqraadiyad iyo xasilooni haysata oo dad isku xidhan oo masiirkooda iyo mustaqbalkooda u midaysan inaanu nahay ayaanu u cadaynaynaa dunidda. ILAAHAY-na waxaanu ka baryaynaa inuu inagu guuleeyo,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay wada hadalada u socda Somaliland iyo Somalia, waxanu yidhi “Waxaynu u caddaynaynaa caalamka iyo cid kasta oo ina dhageysanaysa wada hadal ha la galo ama yaan la geline’e danno faro badan ayaa iskaga xidhan Mandaqadda.

Dano badan ayaa inagaga xidhan walaalaheena Soomaaliya. laakiin waxaanu mar walba ku adag nahay oo aanaan gorgortan ka galaynin madax-banaanida Somaliland iyo gooni isu taageedda”

XAFLADSOM2.jpg
XAFLADSOM.jpg
XAFLADSOM3.jpg
XAFLADSOM5.jpg
XAFLADSOM8.jpg
XAFLADSOM4.jpg

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland