4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 26, 2012
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqday Degmada Balcad ee Gobalka Sh/ Dhexe (SAWIRRO)


Arbaco, June 27, 2012(HOL): Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta booqday Degmada Balcad ee gobalka Sh/Dhexe oo saakay gelinkii hore Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta Degmadaasi.

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli, waxaa booqashadiisa Degmada Balcad ku wehlinayay qaar ka tirsan Golahiisa Wasiirada, Saraakiil iyo waliba Saxafiyiin goobta loo qaaday.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa dadweynihii reer Balcad si heer saro ah ugu soo dhaweeyay.Iyagoona ka muuqatay farxad iyo hididaalo nabadeed in ay heleyn.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Gobalka Sh/Dhexe, Cabdi Jiinoow Calasow, ayaa war bixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya howlgaladii ay maanta kula wareegeen degmada Balcad ee Gobalka Sh/Dhexe.

“Mudane Ra’iisul Wasaare, maanta waxaa noo farxad ah inaan kugu soo dhaweyno Degmada Balcad oo ah degmadii ugu horeysay ee gobalka Shabeelada hoose ee laga xoreeyay gacantii cadowga ee Al-Qaacidda, waxaa kaloo inoo farxad ah in maanta inoo tahay maalin ciid maadaama 26,June aan u dabaal dageyno xorminadii Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya iyo maanta oo aan xureyney Degmada Balcad  oo iyadana ah maalin aan u dabaal dageyno labadaasi farxadood”.


Wuxuu sidoo kale sheegay in guusha maanta la gaaray ay hormuud u yihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiweli ayaa isna Saxaafadda kula hadlay goobta, Wuxuuna sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah waayo waa 26,June oo aheyd maalintii ugu horeysay ee geyiga Soomaaliyeed laga taago Calanka Soomaaliya islamarkaana ay aheyd maalintii ay xornimada qaateen Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya, Sidoo kale waxaa farxad labaad inoo ah in maanta Degmada Balcad laga xureeyay nimankii sharwadayaasha ahaa ee Al-Shabaab, Waxaana mahadaa iska leh Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

“Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed waa kuwa difaacaya dalka oo muujinayo wadaninimo iyagoo waliba aan ognahay iney ku shaqeyaan oo ku dagaalamaya daruufo adag laakiin taasi wax caqabad ah kuma noqon marka hore ayayba u diyaar garoobeen iney dalkooda difaacaan oo ay xornimo u horseedaan”.


Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli ayaa sidoo kale xusay in maanta ay farxad weyn u tahay in uu imaado Degmada Balcad maadaama markii iigu dambeysay uu yimid Sanadkii 1983 oo uu  jaamacadda Soomaaliya ka qalin jabinayay waxaan marka ku faraxsanahay inaan 31 sano kadib ku soo laabto degmada Balcad ee gobalka Shabeelada Dhexe .ayuu yiri

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dadweynaha u sheegay in ay soo dhowaatay dowladnimadii taamka aheyd ee Soomaaliyeed oo aan ka baxeyno KMG sidii lagu yiqiinayna Soomaaliya meeshey joogtay la gaarsiiyo, taana waxaa lagu gaari karaa wada jirkeena,Midnimadeena, waxaana la gaarayaa 26,June ee soo socta Soomaaliya oo meel walba xor ah oo ay dowladd taam ah yeelatay, Waxaana Shacabka ula dardaar mayaa in ay la shaqeeyaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayna garab istaagaan Ciidankooda taas ayaan ku gaari karnaa in dalka intiisa kale la xureeyo.