4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 26, 2012
Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Mareykanka oo Shaqsiyaad Somali ah ka dhageystay Warbixin ku saabsan Xawaaladaha

Talaado, June 26, 2012 (HOL) — Xubno a tirsan gudiga dhaqaalaha u qaabilsan aqalka hoose ee baarlamaanka [Congress] Mareykanka ayaa dhageystay shaqsiyaad Soomaali ah oo uga warbixinayey baahida guud ee bulshada Soomaalidu ay u qabto in ay sii shaqeeyaan xawaaladaha Soomaalida, kuwaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyey ay soo wajaheen dhibaatoyin sabab u noqday in ay gaabis gasho shaqadoodi, sidoo kalana ay qaarkood xirmeen, kadib markii bangiyadii ay adeegsan jireen uu soo kala dhexgalay isfahamwaa wada’shaqeyn la’aaneed.

Kulankaan oo ka dhacay magaalada Washington ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay Saadiq Warfaa oo ah nin u dhaqdhaqaaqa arrimaha Soomaalida ee gobolka Minnesota, waxaana shabakada wararka ee HOL u sheegay in gudiga dhaqaalaha u qaabilsan kongareeska [Congress] ay u sheegeen in xawaaladuhu ay yihiin il ay dhaqaale ku gaarsiiyeen dadka Soomaaliyeed ee wadamada qurbaha ku dhaqan eheladooda iyo qoysaskoodi ay kaga soo tageen gudaha dalka Soomaaliya.

"Waxaan u sheegnay in xawaaladaduhu ay yihiin hab-nololeedka ay Soomaalidu ku tiirsan tahay, loona baahan yahay in ay bangiyada, xawaaladaha, dowladda feedaralka iyo gobolkuba ay wada’shaqeeyaan, si ay Soomaalida Mareykanka ku nool u helaan adeeg ay dadkooda ku gaarsiin karaan lacagta ay wadankaan ka shaqeystaan wixii noloshooda ka soo hara, waxaan kale oo aan u sheegnay in xawaaladuhu meelaha ay lacagta gaarsiiyaan aysan jirin wax bangi ah ama farsamo kale oo dhaqaale lagu gaarsiin karo,", ayuu yiri Saadiq Warfaa.

Caqabadda ugu weyn xawaaladaha Soomaalida waxaa ay soo foodsaartay dabayaaqada sanadkii hore ee 2011-dii kadib markii bangigii ugu dambeyey ee mudooyinkii dambe ay xawaaladu lacagtoda marin jiraan uu go’aan ku gaaray in joojiyo guud ahaan xariirka wada’shaqeyneed ee uu la leeyahay, waxaana go’aanka bangigaasi uu xiligaasi ku soo beegmay, iyadoo gudaha wadanka Soomaaliya ka jirtay abaar baahsan, waxaana taasi ay sare u sii qaaday cabsida dad badan oo ku tiirsanaa gunooyinka lacageed ee ay ka heli jireen asxaabta iyo xubnaha qoysaskooda ku dhaqan wadankaan Mareykanka.

"Waxaan kale oo aan u sharaxnay in hadii aysan jirin lahayn xawaaladaha iyo qurbe joog lacag u dira qaraabada iyo eheladooda ku dhaqan gudaha Soomaaliya in abaartii 2011-dii ka dhacay Soomaaliya ay intaasi ka sii darnaan lahayd dhibaatadii ay gaysan lahayd," ayuu hadalkiisa raaciyey Saadiq Warfa.

Tan iyo markii ay dhibaatada xawaaladaha Soomaalidu soo ifbaxday, waxaa bulshada Soomaalida ee dhaqan dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka Minnesota ay sameynayeen dhaqaaqyo ay ku dalbanayaan in bangiyada waaweyn ee wadanku Mareykanku ay soo celiyaan wada’shaqeyntii ay la lahaayeen xawaaladaha, hase ahaatee arintaasi kama soo bixin wax miro dhal ah, sidoo kale dowladda dowlada Mareykanku go’aan cad arintaasi kama istaagin, waxaana Saadiq Warfaa uu sheegay in ay xubnihii ka tirsanaa aqalka hoose ee baarlaamanka Mareykanku ay u sheegeen in ay wadaan diyaarinta qoraalka kharaar haddii uu hirgalo la doonayo in lagu fududeeyo waxyaabaha hortaagan in ay bangiyadu la shaqeeyaan xawaaladaha Soomaalida.

"Waxyaaha aan aadka ugu qanacnay oo ay noo sheegeen waxaa ka mid ah xubnahaan aan la kulanay in ay qorayaan kharaar haddii uu hirgalo fududaynaya waxyaabaha hortaagan oo ka cabsinaya in ay bangiyadu wada’shaqeyn la yeeshaan xawaaladaha Soomaalida," ayuu yiri Saadiq Warfaa oo la hadlayey HOL.

Saadiq, waxaa uu intaasi ku daray in xubnihii baarlamaanka ee ay la kulmeen ay sidoo kale isweydaarsadeen fikrado ku salaysan sidii xawaaladaha Soomaalidu ay sare ugu sii qaadi lahaayeen nidaamka lagula soconayo in lacagaha ay u gudbiyaan gudaha Soomaaliya ay ku dhacaan gacanta dadkii xaqa u lahaa ee loogu tala’galay.

Kulankaan oo ah kii ugu horeyey oo nuuciisa ah oo ay dhageysi ka yeeshaan baarlamaanka Mareykanku tan iyo markii ay dhibaatada xawaaladaha Soomaalidu soo shaac baxday ayaa waxaa ka soo shaqeeyey sida uu sheegay Saadiq Warfaa xubno ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka ee laga soo doorto gobolka Minnesota oo ah halka ay ku dhaqan yihiin Soomaalida ugu badan ee wadankaan Mareykanka.

Dhaqaalaha ugu badan ee gala gudaha wadanka Soomaaliya waxaa dira qurbe joogta ku dhaqan wadamada dibada, iyadoona inteeda badan gudbinta lacagtaasi loo adeegsado xawaaladaha oo ah adeega kaliya ee gaara meel badan oo ay xiligaan haysato Soomaalidu.

Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota