4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 26, 2012
Booliiska Dalka Uganda oo xabsiga dhigay shan ruux oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Islaamiyiinta Soomaaliya

Talaado, June 26, 2012 (HOL) — Booliiska ayaa sheegay inay xireen shan qof oo u dhashay dalka Bakistaan, kuwaasoo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab oo ka dagalaanta Soomaaliya.

Saraakiisha booliisku waxay sheegeen in dalkooda uu si adag uga digtoon yahay in weerarro ay kaga yimaadaan Al-shabaab, kuwaasoo ka dhalan kara dagaalka ay ciidamada Uganda ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Goobta laga soo qabtay shantan ruux ayaa waxay horay saldhig ugu ahayd koox islaamiyiin ah oo dagaal kula jiray Uganda, iyadoo dalkaas uu cabsi weyn ka qabo in Al-shabaab ay weerarro ka geysato magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.

"Shantan ruux ee Bakistaan u dhashay waxaan kasoo xirnay deegaanka Ntoroko oo ku dhow dhulka buuraleyda ah ee Rwenzori oo ku yaalla xuduudda u dhexeysa Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo," ayay tiri Judith Nabakoba oo ah ku xigeenka afhayeenka booliiska dalka Uganda.

Afhayeenaddu waxay hadalkeeda ku dartay, in raggan ay kasoo dhuuneteen koontaroolka ku yaalla xuduudda, waxanaa waday rag u dhashay dalka Koongo oo aan sharci lahayn.

Xarakada Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa waxay horay qaraxyo geystay khasaare badan uga geysatay magaalada Kamapla ee dalka Uganda sannadkii 2010, kuwaasoo ay ku dhinteen 76-qof, waxayna saraakiisha Al-shabaab sheegeen inay ahayd aargudasho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya