6/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 26, 2012
Xoogagga Xarakada Al-shabaab iyo Ciidamada Huwanta ah oo ku Dagaalamay Gobolka Jubbada Hoose

Talaado, June 26, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo xarakada Al-shabaab ayaa u dagaalamay degmada badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose, waxaana dagaalku uu ahaa mid xooggan oo ay labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii askar katirsan Al-shabaab ay shalay gelinkii danbe weerar dhowr jiho ah ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada huwanta ah ku lahaayeen degmada Badhaadhe, waxaana labada dhinac gudaha degmada kudhexmaray dagaal saacado badan qaatay.

Afhayeenka ciidamada dowladda KMG ee gobolka Jubada Hoose Max'ed Faarah Daahir oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen Al-shabaab, wuxuuna sheegay in ay dib isaga caabiyeen, islamarkaasina ay ka dileen ilaa sedex dagaalyahan.

Sidoo kale masuulkani ayaa sheegay in dhankooda ay dagaalka uga dhaawacmeen ilaa sedex askari, wuxuuna sheegay in dagaalyahannadii weerarka soo qaaday ay dib ugu celiyeen halkii ay markii hore kasoo duuleen.

Saraakiil iyana u hadashay Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, waxayna sheegeen in ay khasaarooyin lixaad leh u geysteen ciidamada huwanta ah, islamarkaasina ay gudaha u galeen degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose.

Warar ka madax bannaan labada dhinac ayaa sheegaya in dagaalku ahaa mid aad u kulul islamarkaasina uu qaatay saacado badan, waxayna wararku intaasi ku darayaan in dagaalka xooggiisa uu ka dhacay duleedka degmada Badhaadhe.

Illaa imika ma jiraan warar sugan oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, haseyeeshee warar aan lagu kalsoonaan karin ayaa sheegaya in dagaalkii shalay ay ku dhinteen ilaa shan qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah.

Dagaalladan kasoo cusboonaaday degmada Badhaadhe ee gobolka jubada Hoose ayaa kusoo beegmaya xilli degmadaasi iyo deegaanada ku xeeran ay ku noolyihiin boqollaal qoys oo ay aad u liidato xaaladooda nololeed, kuwaasoo ay soo barakiciyeen abaaro iyo dagaallo isbiirsaday oo ka dhacay deegaanadooda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya













Click here
6/26/2012 7:04 PM EST
Arbaco, June 27, 2012(HOL): Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta booqday Degmada Balcad ee gobalka Sh/Dhexe oo saakay gelinkii hore Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta Degmadaasi.

6/26/2012 8:44 AM EST
Talaado, June 26, 2012 (HOL) — Wafdi ka socday Ururka Midowga Afrika, IGAD, AMISOM oo ay ku jireen saraakiil ka socda dalka Sierra Leone iyo Mareykanka ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay iyagoo kulammo la yeeshay saraakiisha ciidamada iyo xubnaha bulshada rayidka ah.

6/26/2012 8:03 AM EST
Talaado, June 26, 2012 (HOL) — Madaxda DKMG Soomaaliya ayaa waxay hambalyo ku aaddan 26-ka Juun oo ah markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed la suro ciidda Soomaaliya u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u rajeeyay in ciiddan teeda kale ay ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

6/26/2012 7:42 AM EST
Talaado, June 26, 2012 (HOL) — Booliiska ayaa sheegay inay xireen shan qof oo u dhashay dalka Bakistaan, kuwaasoo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab oo ka dagalaanta Soomaaliya.

6/26/2012 7:15 AM EST
Talaado, June 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan ku hambalyeeyey Xuska Munaasibada 52-guurada ka soo wareegtay 26-June-1960-kii, oo ah maalintii ay Somaliland madax-banaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska.

6/26/2012 7:04 AM EST
Talaado, June 26, 2012 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi ka shaqeeya xulitaanka ergooyinka ansixinaya dastuurka cusub ee Soomaaliya ku magacaabay kulan aan caadi ahayn oo golaha wasiirradu DKMG ah ay ku yeesheen Muqdisho shalay oo Isniin ahayd.

6/26/2012 5:59 AM EST
Talaado, June 26, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa saakay oo Talaado la wareegay gacan ku haynta degmada Balcad ee gobolka Shabeellad Dhexe oo 30-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho.

6/26/2012 5:57 AM EST
Talaado, June 26, 2012 (HOL) — Xubno a tirsan gudiga dhaqaalaha u qaabilsan aqalka hoose ee baarlamaanka [Congress] Mareykanka ayaa dhageystay shaqsiyaad Soomaali ah oo uga warbixinayey baahida guud ee bulshada Soomaalidu ay u qabto in ay sii shaqeeyaan xawaaladaha Soomaalida, kuwaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyey ay soo wajaheen dhibaatoyin sabab u noqday in ay gaabis gasho shaqadoodi, sidoo kalana ay qaarkood xirmeen, kadib markii bangiyadii ay adeegsan jireen uu soo kala dhexgalay isfahamwaa wada’shaqeyn la’aaneed.