4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 26, 2012
Madaxweyne Siilaanyo oo Shacbaka Somaliland u diray 52-guuraddii kasoo wareegtay 26-june, 1960, Caalamkana baaq u diray

Talaado, June 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan ku hambalyeeyey Xuska Munaasibada 52-guurada ka soo wareegtay 26-June-1960-kii, oo ah maalintii ay Somaliland madax-banaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska.

Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaas oo dadweynaha uu madaxweynuhu ugu hambalyeynayo munaasibadan awgeed.

"Maalintan oo ah Maalin Taariikhda Somaliland Qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajeeyey ilaahayna uga beryay qaranka Somaliland iyo Shacbiga Guddo iyo Debedba inay Sannadka, Sannadkiisa ku gaadhaan Guul, Barwaaqo, iyo Somaliland oo si buuxda uga mid noqotay dawladaha la aqoonsanyahay."ayaa lagu yidhi dhambaalkaasi hambalyadda ah

"Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan si adag ugu sheegay inay Jamhuuriyadda Somaliland guul joogto isla markaana ay buuxisay dhamaan Shuruudihii looga baahnaa aqoonsiga,"ayuu raaciyey afhayeenku, isagoo intaas ku daray " Madaxweynuhu waxa uu beesha caalamka ugu yeedhay inaanay la masuugin aqoonsiga ee ay ixtiraamaan taariikhda qarannimada Somaliland, Go’aanka Shacbiga iyo dadaalka ay ku xaqiijiyeen dal nabada, iyo hannaan dawladnimo, dimuqraadiya oo si wacan u hanaqaaday sidaana la wada ogyahay loona qirsanyahay".

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Somaliland ku dhiiri-geliyey inay iska jiraan oo ay ka feejignaadaan cadaw kasta iyo cid kasta oo isku dayda iny wax u dhimaan ama dhawacaan wada jirka umadeena Somaliland iyo nabad-gelyada Qarankeena.

Inkastoo dabaaldegyo waaweyn loo samayn maalinta xornimadda laga qaatay ingiriiska, haseyeeshee, waxa dhamaan la fasaxaa shaqaalaha dawladda iyo Ardayda dugsiyadda, isla markaana waxa habeenkan oo kale munaasibad weyn oo loogu dabaaldegayo maalintan lagu qabtaa xarunta madaxtooyadda, waxaana ka soo qaybgalla madaxweynaha, xisbiyadda qaranka iyo dadweyne kale, waxaana lagu soo bandhigaa Riwaayaddo, suugaan iyo madadaalooyin kale.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland