4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2012
Kooxo hubeysan oo weerar khasaare nafeed geystay xalay saqdii dhexe ku qaaaday guri ku yaalla Degmada Huriwaa

Khamiis, June 21, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex wiil oo dhallinyaro ah ayaa ku dhintay mid kalena dhaawac halis ah ayaa kasoo gaaray weerar ay koox hubeysan xalay ku qaadeen guri ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa.

Kooxdan weerarka qaadday oo aan la garanayn ayaa gudaha u galay guriga ay ku sugnaayeen dhallinyarada, waxayna si aan kala sooc lahayn rasaas ugu fureen dhallinyaro ku sugnaa, iyagoo halkaas ku dilay saddex ka mid ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inaanay ogeyn sababta dhallinyarada loo dilay, ayna xalay maqlayeen rasaas fara badan oo guriga gudihiisa ka dhacaysa, mana jirto cid sheegatay inay mas'uul ka ahayd dilka dhallinyarada.

Dhaawaca wiilka dhalliyarada ah ee ka mid ahaa kuwii guriga lagu weeraray ayaa saakay loo qaaday isbitaal, waxaana falkan uu qayb ka yahay falalka ammaan-darro ee weli ka jira magaalada Muqdisho oo degmooyinkooda ay gacanta ku hayso DKMG ah.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah oo gaaray goobta uu falku ka dhacay ayaanay u suurogelin inay qabtaan kooxihii ka dambeeyay, iyadoo maamulkuna uusan weli ka hadlin falkaas foosha xun ee lagu dilay dhallinyarada.

Falkan ayaa lagu sheegay inuu yahay kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca degmada Huriwaa tan iyo markii ay ciidamada dowladda KMG ah kala wareegeen degmadaas xoogaggii gacant ku hayay ee Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya