4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2012
Saxiixayaasha Khariidadda Nabadda Somalia oo mar kale Maanta ku shiraya Nairobi iyo Dastuurka oo laga dooday

Khamiis, June 21, 2012 (HOL) — Saxiixayaasha khariidadda nabadda ama Roadmap-ka Soomaaliya oo shir ku leh magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxay si aad ah uga doodeen dastuurka oo dhowr jeer ay horay isugu khilaafeen.

Furitaankii shirka ayaa waxaa ka hadlay xubno ka socday beesha caalamka oo ku boorriyay madaxda dowladda KMG ah iyo xubnaha kale ee shirka ka qaybgalaya in lagu soo afjaro muddada labada bilood ah ee harsan heshiiskan, si ay Soomaaliya uga baxdo xilliga KMG ah.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo saxaafadda hadal kooban siiyay xalay markii uu ay soo gabgabeeyeen shirka ayaa wuxuu sheegay in la isla gartay in xilliga harsan lagu dhameystiro howsha u harsan dowladda si loogu gudbo dowlad dhameystiran.

"Qodobbadii aan isla garannay waxaa ka mid ahaa in la hirgeliyo heshiiskii bishii hore lagu gaaray Addis Ababa iyo in howlaha dhimman lagu dhameystiro xilliga yar ee harsan," ayuu yiri C/weli Maxamed Cali.

Xubnaha shirka ka qaybgalaya ayaa lagu wadaa inay maanta mar kale ka hadlaan dastuurka, waxaana isla maanta ay soo saari doonaan warmurtiyeedka waxyaabihii ay isku afgarteen.

Shirkan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo madaxda saxiixayaasha heshiiska Roadmap-ka ay ku yeeshaan dalka dabadiisa iyadoo la ogyahay in heshiiskan lagu gaaray shir weyn oo ka dhacay Muqdisho bishii September ee sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya