Waxaa maalintii axada ahayd oo ay taariikhduna ahayd June 17, 2012, magaalada Toronto, CIDER SINIA CENTRE ka dhacay shir wayn oo lagu taageerayay musharaxnimada madaxtinimada dowled goboleedka Galmudug G/le sare Cali-baashi Maxamed Xaji Cumar Fiqi, waxaa shirkaasi soo qabanqaabiyay Cali Shiddo iyo Cabdullahi Warsame, waxaana daadihinayay Cabdirashiid Salad Farah (keyton), iyo Bashir.
G/lle Sare Calibaashi waxa uu ku dhashay magaalada Xaradheere ee Gobolka Mudug, ka dib markii uu waxbarashadiisa dugsiga sare ku dhamaystay soomaaliya wuxuu tababar militari ku soo qaatay Midowga Soofeeti, halkaasoo uu ku dhamaystay akademiyada Sare ee Ciidanka. 1985 waxa uu qaatay darajada Gaashaanle Sare asagoo ka mid ahaa saraakiisha loogu qadarinta badan yahay ee ciidanka xoogga dalka Somalia. Wuxuu Calibaashi ka mid yahay qurbajoogta, wuxuuna ku nool yahay magaalada London ee dalka Ingiiska.
Shirkaan lagu taageerayay musharaxa Calibaashi waxaa ka soo qayb galay dad aad u tira badan oo ka soo jeedo beelaha dega Galmudug. Waxaa halkaasi laga soo jeediyay hadalo isugu jira taariikh nololeedka musharaxa iyo hawlihii uu u soo qabtay dadka iyo dalka Soomaaliyeedba. Waxaa dadkii meesha ka hadlay xuseyn in uu musharaxa yahay nin u qalma in uu hogaanga deegaankaasi qabto kaalin fiicanna ka qaadan karo nabadeenta iyo horumarinta deegaanada Galmudug. Dadkii meesha ka hadlay oo fara badnaa, waxaa ka mid ahaa:
1. G/sare MohamudCulusow Ebeker
2. G/sare Abdi Mohamud Bootaan
3. G/sare Mohamed Farah (dabdamis)
4. G/sare Abdi Nur Farah
5. G/sare Abdulkadir Mohamed Galbeeti
6. G/sare Ahmed dhere
7. Dhamme shikh Mohamed
8. Dr. Mohamed Ahmed Gilao
9. Cabdullaahi Sid Ahmed
10. Suldan Abdi Jama Abdulle Gorad
11. Cabdullaahi Warsame
Doorashadaas oo dhici doonto bilaha soo socdo, waxaana xusid mudan in rag badan ay isu soo taageen jagada Madaxweynanimada Galmudug oo ay ka mid yihiin kuwa soo socdo:
1. G/le sare Ali bashi Mohamed Cumar Fiqi
2. General Abdi Hassan Awale Qaybdiid
3. Cabdisamad Nur Guled
4. Inj. mohamud
5. Abdirasaq Xusein Gedi
Waxaan musharaxiinta isusoo taagtay xilka madaxnimada Galmudug Eebe uga baryeynaa in uu waafajiyo xaqa, una gargaaraan Ummadda Soomaaliyeed waqtigaan dhibka badan oo uu dalka ku jiro.
Shir ka dhacay Magaalada Toronto oo lagu Taageerayay Murrashaxa Cali-Baashi
More News
- Koob Kubadda Cagta ah oo ay ka qeybgaleen caruur Soomaaliyeed oo lagu qabtay Örebro-Sweden
- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Dhakhaatiirta Somaliland ugu baaqay inay Gacan ka gaystaan Abaaraha ka jira Dalka
- Odayaasha Dhaqanka ee ku shiraya Muqdisho oo ku Taliyay in Tirada Baarlamaanka laga dhigo 275-xubnood
- Shir looga hadlayo Mustaqbalka Soomaaliya oo Dowladda KMG ah iyo Somaliland uga furmay duleedka Magaalada London
- Musharraxa Madaxweynenimada Soomaaliya C/raxmaan Baadiyow oo Xaflad ka mid ah ololihiisa ku qabtay Nairobi (SAWIRRO)
- Guddoomiyaha Gobolka Galguduud ee Ururka Ahlusunna oo Muqdisho u yimid sidii uu wadahadallo ula yeelan lahaa DKMG ah
- Shirkii Saxiixayaasha Heshiiska Roadmap-ka oo si rasmi ah uga furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya
- Kooxda Raaskambooni oo hay'adaha gargaarka ka dalbay inay howlihii samafalka ka bilaabaan deegaannada laga saaray Al-shabaab
- Booliis ka socda Uganda oo ka howlgalaya Muqdisho si ay u xaqiijiyaan Ammaanka Caasimadda Soomaaliya
- Dhallinyaro lix bilood tababarro la siinayay oo Magaalada Muqdisho kusoo bandhigay waxyaabhihii ay barteen
- Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo Dowladda KMG ah ku eedeeyay inay jartay xiriirkii wadashaqeyneed ee kala dhexeeyay Ahlusunna
- Dowladda KMG Soomaaliya iyo Somaliland oo shir Xasaasi ah uu uga furmaya Maanta Magaalada London