4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2012
Guddoomiyaha Gobolka Galguduud ee Ururka Ahlusunna oo Muqdisho u yimid sidii uu wadahadallo ula yeelan lahaa DKMG ah

Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Ahlusunna Waljamaaca ee gobolka Galguduud, Axmed Yuusuf Xasan Ciyoow ayaa maanta soo gaaray Muqdisho isagoo sheegay in sababta socdaalkiisa ay tahay sidii uu wadahadallo ula yeelan lahaayeen inay u yimaadeen Muqdisho sidii ay wadahadallo ugala yeelan lahaayeen DKMG ah iyo UNPOS, sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa gobolka Galguduud.

Wafdigan ka socda Ahlusunna ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho xubno ka tirsan Ahlusunada gobolka Banaadir, iyadoo hoggaamiyaha wafdigan uu saxaafadda la hadlay.

"Safarkeygu wuxuu ku saabsan yahay inaan kulmo la yeesho madaxda DKMG ah ee Soomaaliya, shacabka kasoo jeeda gobolka iyo bulshada caalamka si aan warbixin uga siiyo xalaadda gobolka ka jirta iyo baahida jirta," ayuu yiri Axmed Ciyoow.

Guddoomiyaha gobolka Galguduud ayaa sheegay in qorshahoodu yahay inay DKMG ah ka dhaadhiciyaan sidii ay gobolka uga fulin lahayd mashaariic horumarineed sida ay uga fuliyeen gobolka Banaadir.

Mar la weydiiyay su'aal ahayd in mas'uul ka tirsan Ahlusunna uu sheegay in DKMG ah ay jartay xiriirka wadashaqeyneed ee ay la lahayd Ahluusnna ayuu sheegay inay taasi ka mid tahay sababaha ay Muqdisho u yimaadeen.

Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ah urur taabacsan DKMG ah ee Soomaaliya, waxayna dagaal kula jiraan Xarakada Al-shabaab inkastoo toddobadkii hore ay isaga soo baxeen degmada Ceelbuur oo ay horay uga qabsadeen Al-shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Galguduud ayaa toddobaadkan horraantiisa loo doortay xilka gobolka iyadoo safarkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo uu gobolkaas uga baxo kuna soo gaaro Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya