4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2012
Marwada Ra’iisul Wasaaraha DKMG Somalia oo Xalay kula kulantay Muqdisho Ururrada Haweenka Soomaaliyeed

Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Marwada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Hodon Saciid Ciise ayaa xalay kulan xog-wareysi ah kula yeelatay magaalada Muqdisho ururada haweenka Soomaaliyeed, iyadoona kulanka looga hadlay sidii haweenka ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dadaallada lagu raadinayo xalka Soomaaliya.

"Ugu horreyn waxaan aad ugu faraxsanahay in caawa aan wada kulanno inagoona ka wada-tashanayna aayaheenna iyo doorka aan ku leenahay siyaasadda dalka," ayay tiri Hodan Siciid oo hadal ku furtay kulanka.

Marwada ra'iisul wasaaraha ayaa aad u amaantay ururada haweenka Soomaaliyeed doorka ay ka qaateen hormarka dalka iyo dadaallada socda, iyadoo sheegtay inay 30% ku leeyihiin xubna dowladda, taasna ay tahay guul isla markaana loo baahan yahay in haweenka Soomaaliyeed ay muujiyaan doorarkooda ku aaddan sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya.

Intaa kaddib waxaa warbixinno laga dhageystay qaar ka mid ah haweenkii kulanka ka qayb-galay, kuwaasoo sheegay in haweenka ay door muhiin ku leeyihiin xal u raadinta Soomaaliya maadaama ay dhibaatadii dalka ka dhacday inta badan soo gaaratay haweenka.

"Burburkii dalka ka dhacay waxaa dhibaatooyinkii ugu badnaa ay kasoo gaareen haweenka, waxaa loo geystay tacdiyo ay ka mid yihiin, dil, kufsi iyo dhac," ayay kulanka ka sheegeen haweenkii ka qaybgalay.

Sidoo kale, haweenkii kulanka ka qaybgalay ayaa soo dhaweeyay shira uga socda Muqdisho odoyaasha-dhaqanka, inkastoo ay haweenka qaarkood sheegeen in raggu aanay waxba u ogalayn haweenka; iyadoo kulanka lagu taageeray in haweenka ay ku yeeshaan hay'adaha dowladda 30%.

Ugu dambeyn, kulanka waxaa yimid ra’iisul wasaaraha Soomaaliya isagoo sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa door muhiim ah ka qaatay horumarka dalka haddana looga baahan yahay inay xoojiyaan dadaallada.

Marwo Hodan Siciid ayaa ugu kulanka gunaanadkiisii sheegtay inay haweenka la tashadaan oday-dhaqameedkooda ayna si aan loo duudsiin xilalka ay dowladda ku leeyihiin, waxayna haweenka Soomaaliyeed ugu baaqday inay door muhiin ah ka qaataan dadaallada looga baxayo xilliga KMG ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya