9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2012
Maamulka Ahlusunna oo Suxufiyiin u xiran ku Eedeeyay inay galeen dambiyo shaqsi ah ayna Maxkamad horgeynayaan

Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay inay maxkamad soo taagayaan laba wariye oo ay saakay xireen, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay dambiyo shaqsi ah ka galeen Ahlusunna, gaar ahaan maamulka ka jira degmada Dhuuso-mareeb.

Suxufiyiinta la xiray oo laba ahaa ayaa waxay kala ahaayeen: Cabdi-jamaal Macallin

Axmed iyo Bashiir Maxamed Salaad oo u kala shaqeynayay idaacadaha Dalsan ee ka howlgasha Muqdisho iyo idaacadda Bar-kulan oo ka howlgasha Nairobi.

Guddoomiye ku xigeenka Dhuuso-mareeb ee maamulka Ahlusunna, Farxaan Macallin Cali oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in labadan wariye ay ku haystaan dambi ay si shaqsi ah uga galeen maamulka, balse aysan ku haysan war ay idaacado ka baahiyeen.

"Bashiir Sanka iyo Cabdi-jamaal Macallin waxay si qadaf cad kula kaceen maamulka Ahlusunna ee degmada Dhuusomareeb, iyagoo meel faraage ah ka sheegay inuusan maamul ka jirin degmada. Kumana haysanno warar ay warbaahinta ay sii-daayeen," ayuu yiri Farxaan Macallin.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka maamulka Dhuuso-mareeb wuxuu sheegay in wariye kale oo ku sugan degmadaas ay u haystaan dambiyo ku aaddan warar been ah oo uu maamulka ka faafiyay ayna maxkamad uga yeeri doonaan.

Ugu dambeyn, mas'uulka u hadlay Ahlusunna ayaa sheegay in labada wariye ee u xiran midkood uu ku hanjabay magac beeleed, taasna ay qayb ka tahay dambiyada ay u haystaan wariyeyaashan.

Soomaaliya ayaa lagu sheegaa inay tahay meesha ugu khatarta badan Adduunka ee ay suxufiyiintu ka shaqeeyaan, iyadoo sannadkan lagu dilay Soomaaliya lix wariye oo saddex ka mid ah lagu dilay Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/13/2012 2:58 AM EST
Arbaco, June 13, 2012 (HOL) — Kulan wada-tashi ah oo ay iska kaashadeen hay'adda Cilmi-baarista iyo wada-tashiga CRD iyo wakaalada murtida, madadaalada iyo farashaxanka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, iyadoo kulankan looga hadlayay kobcinta iyo tayeynta fanka Soomaaliyeed.

6/12/2012 4:45 PM EST
Talaado, Juun 12, 2012 (HOL) - Xaflad qalinjabin oo si caalami ah loo soo agaasimey ayaa ka dhacdey Satadiumka weyn ee “Century link Field”oo ku yaala magaalada Seattle. Hadaba munaasabadan oo aheyd mid aad iyo aad u balaaran ayaa waxaa lagu gudoonsiinayay shahoodooyin ardayda ka qalinjabisey jaamacada Washington,

6/12/2012 9:50 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Wasiirka wasaaradda Cadaaladda, Gudidda Cadaaladda, ururka Qareenadda iyo madax dhaqameed, ayaa cambaareeyey dhaawacii loo geystay gudoomiyihii maxkamadda gobolka Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Duraan oo shalay dablay hubaysani ku weerareen mar uu ka soo baxay salaadii subax masaajid u dhow gurigiisa oo ku yaala Xaafadda News Hargeysa ee Bariga Magaaladda Hargeysa.

6/12/2012 9:08 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmad iyo xubno ka tirsan dowladda oo socdaal shaqo ku jooga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa la kulmay waxgaradka degmadaas.

6/12/2012 8:02 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu soo laabtay Muqdisho maanta ayaa sheegtay inuu soo dhaweynayo hadalkii kasoo yeeray dowladda Mareykanka ee ahaa in tallaabo laga qaadi doono ciddii ka hortimaadda heshiiska tubta nabadda iyo dastuurka.

6/12/2012 7:40 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay maanta in xukuumaddiisu ay weydiisatay Mareykanka iyo ururka Midowga Yurub inay ka caawiyaan qorshaheeda dagaal ee ay ku doonayso inay ku qabsato magaalada dekedda leh ee Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubbada Hoose.

6/12/2012 6:31 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Marwada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Hodon Saciid Ciise ayaa xalay kulan xog-wareysi ah kula yeelatay magaalada Muqdisho ururada haweenka Soomaaliyeed, iyadoona kulanka looga hadlay sidii haweenka ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dadaallada lagu raadinayo xalka Soomaaliya.

6/12/2012 5:15 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaallo culus ay ka dhaceen degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani, kadib markii dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen ciidamada Huwanta ah.

6/12/2012 5:13 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku toogtay xafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne nabadoon caan ka ah magaalada, iyadoo mas’uuliyiinta maamulka gobollka dilka nabadoonka ay ku eedeeyeen Xarrakada Al-shabaab.

6/12/2012 3:13 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusunna ayaa saakay isaga baxay deegaanka Wabxo ee gobolka Galguduud iyadoo ay gudaha u galeen deegaankaas xoogagga Al-shabaab oo horay looga qabsaday.

6/12/2012 2:59 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa xalay laga dareemay cabsi weyn, iyadoo dadka qaarkood ay isaga baxeen halkaas, sidoo kalena laga raray deegaankaas idaacaddii ka howgeli jirtay inkastoo sakaay dib loogu soo celiyay.

6/12/2012 2:44 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo xalay ku hoyday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose oo bishii hore ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab ayaa sheegay in cid walba oo kasoo baxda Al-shabaab ay soo dhaweynayaan.