4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2012
Madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo Waxgaradka Degmada Afgooye la kulmay kana dalbaday inay ka shaqeeyaan Horumarka dalka

Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmad iyo xubno ka tirsan dowladda oo socdaal shaqo ku jooga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa la kulmay waxgaradka degmadaas.

Shariif Sheekh iyo xubnaha safarka ku wehlinaya ayaa kala hadlay waxgaradka sidii wax looga qaban lahaa amaanka degmada iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen in dowladu ay dajiso degmada loona sameeyo maamul.

"Waxaa la idin kaga baahan yahay inaad qayb ka qaadataan hormarka dalka kaasoo ay dadaal ugu jirto dowladda iyo sidii aad gacan u siin lahaydeen ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM oo naftooda u huray soo celinta ammaanka iyo xasilloonida degmada," ayuu madaxweynuhu u sheegay odayaashii uu la kulamay.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ku booriyay odayaasha degmada in ciidamada DKMG ah loo tababaray inay difaacaan dalka; balse ay maqleen in dhibaatooyin ay ka dhaceen degmada taasna ay tahay midda ay degmada u joogaan.

"Looma baahna in ciidamada dowladdu ay ay dhibaateeyaan dadka shacabka ah, askarigii lagu arka isagoo dhibaateynaya shacabka maxkamad ayaa la horgeyn doonaa," ayuu madaxweynuhu ku sheegay hadalkii uu ka jeediyay kulanka.

Mudane Shariif mar uu ka hadlay kaalinta waxgaradka kaga aaddan xasilinta dalka ayuu sheegay inay yihiin kuwii go’aamin lahaa hogaanka dalka laga doonay inay ka shaqeeyaan nabada, hormarka, midnimada, iyo dowladnimo waarto si dalku uu u helo xasilooni iyo kala dambeyn waarta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka ay isku mid yihiin oo aan la kala soocnayn, isagoo mar uu ka hadlayay xaaladda ammaan ee dalka sheegay dalka inay dib u soo laabanayso, isagoo shacabka ugu baaqay inay ka qayb-qaataan hormarinta dalka iyo wax-soo-saarka maadaama dalku uu yahay mid leh wax-soo-saar ballaaran.

Gabagabadii hadalkiisa ayuu madaxweynuhu ku sheegay in Al-shabaab ay dhibaato ku haysay shacabka ku nool degmada Afgooye iyaguna ay ka dul-qaadeen isagoo xusay in dowladu ay adkeynayso amaanka Afgooye.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya