4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2012
Diyaaradaha Kenya oo Duqeeyay Deegaanno ku dhow Bu'aale iyo Dagaallo ka dhacay Afmadow iyo Qooqaani

Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaallo culus ay ka dhaceen degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani, kadib markii dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen ciidamada Huwanta ah.

Goobjooge ku sugan Afmadow ayaa sheegay in xalay fiidkii ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay gantaallo ku tuureen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen duleedka Afmadow, waxayna taasi keentay in xoogagga Al-shabaab ay magaalada kusoo qaadaan weerar madaafiic ah, kaasoo socday mudo saacad ku dhowaad.

Sidoo kale weerar kan lamid ah ayaa ka dhacay deegaanka Qooqaani, iyadoona la sheegay in cutubyo katirsan dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Kenya ay ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana labada dhinac dhexmaray dagaal culus oo la isku adeegsaday hub ka noocyadiisa kala duwan.

Masuul katirsan Dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni oo ka gaabsaday magaciisa ayaa HOL u sheegay in weerarradii xalay ay ahaayeen kuwo aan sidaa u sii weyneyn, wuxuuna xusay in ciidamadii weerarka soo qaaday ay dib isaga caabiyeen, isagoona intaa ku daray in uusan jirin habayaraatee wax khasaare ah oo dhankooda kasoo gaaray.

Ilaa imika lama garanayo khasaaraha kala gaaray labada dhinac maadaama halka uu dagaalka ka dhacay ay tahay dhul howd ah, mana jiraan masuulyiin katirsan Al-shabaab oo faahfaahin ka bixisay weerarradii xalay ka dhacay degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose.

Dhanka kale, diyaaradaha Kenya ayaa la sheegay in ay duqeymo xooggan ka geysteen deegaan lagu magacaabo Far-Shaqeel oo hoostaga degmada Bu'aale, halkaasoo diyaaraduhu ay dhowr gantaal ku garaaceen, waxaana ilaa imika la garaneyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

"Meesha ay diyaaraduhu garaaceen waa deegaan lagu magacaabo Far-shaqeel, waxa uuna saldhig weyn u ahaa Al-shabaab, khasaare xoog leh ayaa kasoo gaaray balse lama garan karo ilaa hada, waxayna joojiyeen gaadiidkii isticmaali jiray wadada isku xirta Bu'aale iyo Jilib," sidaa waxaa yiri masuul katirsan Dhaqdhaqaaq Raaskaambooni oo HOL u waramayay.

Gobolka Jubbada Hoose oo ay ku dagaalamayaan xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni oo garabsanaya ciidamada Kenya ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxa ka jiray dagaallo goos goos ah oo ay xoogagga Al-shabaab ku qaadayeen saldhigyada ay ciidamada huwanta ah ku leeyihiin deegaanada iyo degmooyinka ku yaal galbeedka gobolka Jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya