12/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2012
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusuna Waljameeca oo isaga baxay deegaanka Wabxo iyo Al-Shabaab oo la wareegtay

Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusunna ayaa saakay isaga baxay deegaanka Wabxo ee gobolka Galguduud iyadoo ay gudaha u galeen deegaankaas xoogagga Al-shabaab oo horay looga qabsaday.

Deegaankan ayaa wuxuu noqonayaa goobtii labaad oo ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusunna isaga baxeen toddobaadkan kana tirsan gobolka Galguduud, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay inay deegaanka Wabxo isaga baxaan.

"Saakay waaberigii hore ayay ciidamada Itoobiya oo wata gaadiid ay ka mid yihiin taangiyo isaga baxeen deegaankan Wabxo, waxayna aadeen dhinaca degmada Guriceel," ayuu yiri goobjooge ku sugan Wabxo oo 40-km koonfur kaga beegan degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Goobjoogaha ayaa intaas ku daray in xoogag taabacsan Al-shabaab oo wata gaadiid dagaal ay gudaha u galeen deegaankaas, ayna hadda gacanta ku hayaan, iyadoo ay dadku aad ula yaaban yihiin isbedelka dhacay.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusunna ayaa waxay Axaddii lasoo dhaafay isaga soo baxeen degmada Ceelbuur oo 100-km u dhinaca bari kaga beegan xarunta gobolka Galguduud ee Dhuusomareeb, iyadoo aan la ogeyn sababta ay uga soo baxeen.

Degmada Ceelbuur ayaa waxaa hadda gacanta ku haysa xoogagga Al-shabaab oo laba bilood ka hor isaga baxay, waxaana saraakiisha kooxdan ay ku tilmaameen dib u qabsashada degmada Ceelbuur inay ku timid dagaallo ay ku qaadeen ciidamadii horay ugu sugnaa.

Saraakiil ka tirsan Ahlusunna ayaa iyaguna sheegay in xeelad dagaal ay uga baxeen degmada Ceelbuur ayna dib ugu laaban doonaan, halka mas'uulka ugu sarreeya ururkan uu sheegay inaysan dib ugu laabanayn degmada Ceelbuur.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/13/2012 2:58 AM EST
Arbaco, June 13, 2012 (HOL) — Kulan wada-tashi ah oo ay iska kaashadeen hay'adda Cilmi-baarista iyo wada-tashiga CRD iyo wakaalada murtida, madadaalada iyo farashaxanka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, iyadoo kulankan looga hadlayay kobcinta iyo tayeynta fanka Soomaaliyeed.

6/12/2012 4:45 PM EST
Talaado, Juun 12, 2012 (HOL) - Xaflad qalinjabin oo si caalami ah loo soo agaasimey ayaa ka dhacdey Satadiumka weyn ee “Century link Field”oo ku yaala magaalada Seattle. Hadaba munaasabadan oo aheyd mid aad iyo aad u balaaran ayaa waxaa lagu gudoonsiinayay shahoodooyin ardayda ka qalinjabisey jaamacada Washington,

6/12/2012 9:50 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Wasiirka wasaaradda Cadaaladda, Gudidda Cadaaladda, ururka Qareenadda iyo madax dhaqameed, ayaa cambaareeyey dhaawacii loo geystay gudoomiyihii maxkamadda gobolka Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Duraan oo shalay dablay hubaysani ku weerareen mar uu ka soo baxay salaadii subax masaajid u dhow gurigiisa oo ku yaala Xaafadda News Hargeysa ee Bariga Magaaladda Hargeysa.

6/12/2012 9:08 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmad iyo xubno ka tirsan dowladda oo socdaal shaqo ku jooga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa la kulmay waxgaradka degmadaas.

6/12/2012 8:02 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu soo laabtay Muqdisho maanta ayaa sheegtay inuu soo dhaweynayo hadalkii kasoo yeeray dowladda Mareykanka ee ahaa in tallaabo laga qaadi doono ciddii ka hortimaadda heshiiska tubta nabadda iyo dastuurka.

6/12/2012 7:40 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay maanta in xukuumaddiisu ay weydiisatay Mareykanka iyo ururka Midowga Yurub inay ka caawiyaan qorshaheeda dagaal ee ay ku doonayso inay ku qabsato magaalada dekedda leh ee Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubbada Hoose.

6/12/2012 7:01 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay inay maxkamad soo taagayaan laba wariye oo ay saakay xireen, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay dambiyo shaqsi ah ka galeen Ahlusunna, gaar ahaan maamulka ka jira degmada Dhuuso-mareeb.

6/12/2012 6:31 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Marwada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Hodon Saciid Ciise ayaa xalay kulan xog-wareysi ah kula yeelatay magaalada Muqdisho ururada haweenka Soomaaliyeed, iyadoona kulanka looga hadlay sidii haweenka ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dadaallada lagu raadinayo xalka Soomaaliya.

6/12/2012 5:15 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaallo culus ay ka dhaceen degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani, kadib markii dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen ciidamada Huwanta ah.

6/12/2012 5:13 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku toogtay xafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne nabadoon caan ka ah magaalada, iyadoo mas’uuliyiinta maamulka gobollka dilka nabadoonka ay ku eedeeyeen Xarrakada Al-shabaab.

6/12/2012 2:59 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa xalay laga dareemay cabsi weyn, iyadoo dadka qaarkood ay isaga baxeen halkaas, sidoo kalena laga raray deegaankaas idaacaddii ka howgeli jirtay inkastoo sakaay dib loogu soo celiyay.

6/12/2012 2:44 AM EST
Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo xalay ku hoyday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose oo bishii hore ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab ayaa sheegay in cid walba oo kasoo baxda Al-shabaab ay soo dhaweynayaan.