4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2012
Degmada Dhuuso-mareeb oo Cabsi laga Dareemay Xalay iyo Maamulka Ahlusunna oo Xabsiga dhigay Wariyeyaal

Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa xalay laga dareemay cabsi weyn, iyadoo dadka qaarkood ay isaga baxeen halkaas, sidoo kalena laga raray deegaankaas idaacaddii ka howgeli jirtay inkastoo sakaay dib loogu soo celiyay.

Cabsidan ayaa timid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in laga yaabo inay deegaanka soo weeraraan xoogag ka tirsan Al-shabaab oo dhawana la wareegay degmada Ceelbuur markii ay isaga baxeen ciidamadii Itoobiya iyo kuwii Ahlusunna ee labada bilood ku sugnaa.

"Magaalada cabsi weyn ayaa laga dareemay markii la maqlay in duullaan lagu soo yahay, dadka qaarkood way baxeen dadkii ku harayna aad ayay u feejignaayeen," ayuu yiri goobjooge ku sugan xarunta gobolka Galguduud ee Dhuuso-mareeb.

Dhanka kale, maamulka Ahlusunna ayaa xabsiga dhigay laba wariye Bashiir Maxamed Salaad (Sanka) oo u shaqeynayay idaacadda Dalsan ee xarunteedu tahay Muqdisho iyo wariye Cabdi-Jamaal Macallin Axmed oo u shaqeynayay idaacadda Bar-Kulan ee saldhigeedu yahay maagaalada Nairobi.

"Sababta aan u xirannahay ma garan karno dhab ahaan, balse waxaan maqalnay in naloo haysto warar aan tabinnay," ayuu yiri wariye Bashiir Sanka xilli uu xabsiga ku jiray uuna u warramayay idaacadda Dalsan.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca maamulka Ahlusunna oo ku aadan xariga ay u geysteen wariyeyaasha, iyadoo sidoo kalena aan ka hadlin cabsidii xalay laga dareemay xarunta gobolka Galguduud ee Dhuuso-Mareeb.

Xoogagga Al-shabaab ayaa dhowr jeer gacanta ku dhigay degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud, iyadoo ku sugnaa jiray muddo saacado ah, dibna uga bixi jiray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya