4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2012
Ma'suuliyiinta Ururka Ahlusuna Walmaaca oo sheegay inay wadaan qorshe ay dib ugu laabanayaan Degmada Ceelbuur
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Mas'uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay dib ugu laabtaan degmada Ceelbuur iyadoo Al-shabaabna ay sheegtay inay ka hortagayso weerar walba oo lagu soo qaado degmadaas.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusunna ayaa bishii hore isaga soo baxay degmada Ceelbuur, kadib markii dhowr jeer jidka loo galay sahay uga timid xarunta gobolka Galguduud, waxayna mas'uuliyiinta Ahlusunna sheegeen inay bedeleen qorshihii hore.

"Waxaan wadnaa qorshe aan ku doonayno inaan dib ugu laabano degmada Ceelbuur iyo deegaannadii kale ee laga soo baxay. Qorshuhu sidii hore waa ka bedelen yahay," ayuu yiri guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo saxaafadda la hadlay.

Sheekh Xeefow oo ku sugan degmada Dhuusomareeb ayaa sheegay in kulan ay la qaateen saraakiisha ciidamada Itoobiya ay ku gaareen inay dib ugu laabtaan degmada Ceelbuur oo uu ku sheegay inay tahay mid muhiim u ah gacan ku haynteeda.

Ururka Ahlusunna ayaa Al-shabaab kula dagaalamayay tan iyo 2008 degmooyin ka tirsan gobolka Galguduud, iyadoo ciidamadooda oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ay u suuro-gashay bishii Abriil ee sannadkan inay markii horreysay la wareegaan degmada Ceelbuur, inkastoo laba bilood kaddib ay isaga soo baxeen.

Dhanka kale, ururka Al-shabaab ayaa sheegay inay iska difaaci doonaan weerar walba oo lagu soo qaado degmada Ceelbuur oo ay gacanta ku hayaan, iyadoo la sheegayo inay difaacyo adag ka sameysteen degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya