4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2012
Xiriiriyaha Gargaarka Bani'aadamnimo ee Soomaaliya oo sheegay in xaalado abareed ay ka jiraan deegaanno ka tirsan Soomaaliya
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Xiriiriyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya, Mark Bowden ayaa sheegay in xaalado aadamnimo oo khatar ah ay ka jiraan Soomaaliya, isagoo sheegay inay ku ogaadeen xog-ururin dhawaan ka sameeyeen Soomaaliya.

Mark BowdenMark Bowden oo wareysi siiyay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in xog-ururinta ay ku ogaadeen in dadka qaarkood ay uga barakaceen deegaannadii ay ku noolaayeen oo ku yaalla Bay iyo Bakool cabsi ay ka qabaan gaajo waxayna gaareen xeryaha qoxootiga Doolow ee dalka Itoobiya.

"Xogta la ururiyay waxaa lagu ogaaday in meelaha qaarkood ay xalaadoodu iska roon tahay halka meelo kalena ay khatari ka jirto, waxaana taasi ay saameyn ku yeelanata xaaladda naqo ee dadka ku nool," ayuu yiri Bowden.

Sannadkii lasoo dhaafay ayaa abaarro dalalka ku yaalla geeska Afrika waxaa ku dhufatay abaartii ugu xumayd muddo 60-sano ah, taasoo saameyn ku yeelatay dad lagu qiyaasay 11-milyan oo qof.

"Uma maleynayo inay jirto khatar weyn oo sababi karta in macluushii sannadkii hore ku dhufatay Soomaaliya ay soo laabto, laakiin waxaan qabnaa walaac ah inay kasii darto xaaladaha khatarta ah ee dadka soo wajahaya inkastoo aysan sidii macluusha u darnayn, waxaase jiri doonta nafaqo-darro ba'an oo ay dadku la kulmaan iyo dhimasho," ayuu yiri Bowden.

Sidoo kale, Bowden wuxuu sheegay in 3,600,000 qof oo ku nool Soomaaliya ay u baahan yihiin gargaar deg-degga ah, isagoo intaas ku daray in dagaaladu ay yihiin kuwa qayb ka qaadan barakac ay dadku sameeyaan.

Ugu dambeyn, Mark Bowden wuxuu sheegay in dadkii ku noolaa degmada Balcad oo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM la wareegeen toddobaad ka hor ay qaar ka mid ah ka barakaceen halkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya