Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee xarunta u ah gobollka Hiiraan waxaa ku sii kordhaya xeryaha ay degan yihiin ama ku nool yihiin dad barakacayaasha ah, kuwaasoo in badan rajo ka qaba in ay gargaar ka heleen hay’addaha samafalka oo bilihii ugu danbeeyay saraakiil ka tirsan si is daba joog ah kormeer ugu tagayeen magaalada.
Hadaba dadka ku jira xeryahan oo u badan haween iyo caruur ayaa codsanaya in sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiiyo gargaarka u baahan yihiin, gaar ahaan wax ay quutaan, madaama ay food ku soo heyso bisha Ramadaan.
"Bisha Ramadaan waxaan jecel-nahay in aan waajibkeeda gudno, laakiin daruufo adag oo dhinaca nolasha ah ayaa iska jira, waayo waad dareemi kartaa qof aan waxba heysa oo aan nolashiisa ku filneyn sida ay bishaas oo kale xaaladiisa noqon karo," ayay u sheegtay HOL mid ka mid ah haweenka ka cabanaya xaalada dhinaca nolasha la xiriira.
Inkastoo ay jirto cabshadan ay jeedinayaan dadka ku jira xeryaha barakacayaasha magaalada Baladweyne, haddana dhinaca kale marka aad eegto maalmihii ugu danbeeyay waxaa jiray gargaar kala duwan oo ay gaarsiineysay hay’adda ICRC dadka barakacayaasha ah, balse u muuqda mid aan wada dabooli karin baahiyaha jira.
"Waan maqalnay in ay raashinwax bixineyso hay’adda ICRC, laakiin anaga wali ma arag oo nama soo gaarin, waxaan jeclaan laheyn in nala soo gaarsiiyo oo si aan nolal uga dhigano bisha Ramadaan," ayay sheegtay haweeneyda la hadashay HOL.
Muddadii ay magaalada maamulayeen xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab dadka barakacayaasha ah ma’aheyn kuwo ku dhiiran kara in ay ka dalbadaan hay’addaha samafalka gargaarka ay u baahan yihiin, hasse ahaatee waxaa muuqata xiligan in dadkani ay si toos ah ula hadllayaan warbaahinta iyaga oo sheeganaya baahiyaha kala duwan ee la soo darsay.
Bilihii ugu danbeeyay waxaa si is daba joog ah magaalada Baladweyne u soo gaarayay saraakiil ka kala socta hay’addaha samafalka, kuwaasoo hadba u guur-galayay xaaladaha nolaleed ee ka jira magaalada, haddana ma jiraan gargaar la taaban karo oo ay hay’addu gaarsiiyeen dadka dhibaateysan marka laga reebo hay’adda ICRC oo maalmihii ugu danbeeyay magaalada ka waday howlo gargaar qeybin ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Qoysas ku dhaqan Beledweyne oo Codsanaya in lasoo kaalmeeyo madaama ay soo dhawdahay bishii Ramadaan
More News
- Shirkii sanadlaha ahaa ee ONLF oo ka furmay Toronto (SAWIRRO)
- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo cambaareeyay falal uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Saaxil uu kula kaco suxufiyiinta Gobolkaas
- Ma'suuliyiinta Ururka Ahlusuna Walmaaca oo sheegay inay wadaan qorshe ay dib ugu laabanayaan Degmada Ceelbuur
- Xiriiriyaha Gargaarka Bani'aadamnimo ee Soomaaliya oo sheegay in xaalado abareed ay ka jiraan deegaanno ka tirsan Soomaaliya
- Kooxo hubeysan oo Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah ku toogtay xaafadda Laba-dhagax ee Degmada Wardhiigley
- Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo howagllo lagu soo qabqabtay Boqolaal qof ka sameeyay Magaalada Muqdisho
- Diyaarado dagaal oo duqeeyay deegaanno ay Al-shabaab saldhigyo ku lahayd oo ku yaalla Gobolka Jubada Hoose
- Madaxweynaha Puntland oo Maanta Meel mariyay Xeerka lagu Maamulayo Xisbiyada Siyaasadda Puntland
- Rasaas dhimasho iyo dhaawac geystay oo ciidammo ka tirsan DKMG ah ay ku fureen gaari u socday Baydhabo
- Madaxweynaha Puntland oo sheegay inuu welwel ka qabo in heshiiska Roadmap-ka lagu dhameystiro xilligii loogu talo-galay
- Dowladda KMG Soomaaliya oo ku eedeysay Kenya inay si sharci-darro ah shidaal uga baarayso Xeebaha Soomaaliya
- Taliska Guud ee AMISOM oo si rasmi ah ula wareegay Hoggaanka Ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya
- Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo sheegay in dib u eegis lagu sameynayo Maqaamka ay yeelanayso Muqdisho