Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo sheegay in dib u eegis lagu sameynayo Maqaamka ay yeelanayso Muqdisho
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in qodobka ku saabsan maqaamka ay yeelanayso magaalada Muqdisho dib u eegis lagu sameynayo, isagoo xusay in sharci gaar ah laga soo saarayo.

Duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Tarsan oo shalay ka hadlay arrintan caasimadda ku saabsan ayaa sheegay in dastuurka uusan qeexayn in Muqdisho ay tahay caasimadda dalka, wuxuuna codsaday in arrintaas lagu caddeeyo dastuurka.

"Maqaamka Muqdisho ay yeelanayso waxaa looga hadli doonaan si dastuuri ah, sharci gaar ah ayaana laga soo saarayaa, shakina lama gelin in Muqdisho ay tahay caasimadda Soomaaliya," ayuu yiri wasiirka oo oo wareysi siinayay VOA-da isagoo intaas ku daray in caalamka oo dhan aan caasimadda lagu qorin dastuurka.

Wasiirku wuxuu sheegay in laga fikirayo in Muqdisho ay noqto gobol gaar u taagan iyo in kale, isagoo sheegay in dadka arrintan ka hadlayay ay ahayd inay markii hore u fiirsadaan, isagoo carrabka ku adkeeyay inaanay jirin wax shaki Muqdisho la geliyay.

Mar la weydiiyay qodobbo kale oo ay ka mid yihiin xuduudaha dalka oo aan si cad loogu qeexin dastuurka cusub, wuxuuna sheegay in dastuurkii ay soo gudbiyeen guddiga madaxa-bannaan aanu si cad u qeexayn xuduudaha, balse dastuurka hadda loo gudbiyay odayaasha dhaqanka uu si wanaagsan u sugayo, isagoo xusay in gobollada ka maqan Soomaaliya lagu raadinayo si nabad iyo wadahadal ah.

Dhanka kale, wasiirka dastuurka wuxuu carrabka ku ballaariyay in golaha ansixinta dastuurka ay wax ka bedel ku sameyn karaan dastuurkan qabyo-qoraalka ah, balse aysan odayaasha laga doonayo inay soo xulaan golaha ansixinta dastuurka iyo soo xulidda xildhibaannada cusub ee baarlamaanka.

"Odayaashu waxay nagu leeyihiin talo, waayo waa dad doonaya in wax wanaagsan oo la isku raacsan yahay ay yimaadaan, balse ergada ay soo xuleen ayaa leh go'aanka wax ka bedelka dastuurka," ayuu wasiirku yiri.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo bulshada inteeda kale ay weli dhaliilo ka qabaan qabyo-qoraalka dastuurka oo dhawaan loo gudbiyay odayaasha dhaqanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya





Sabti, July 08, 2012(HOL): Shirkii sanadlaha ahaa ee Jabhadda xoreynta ONLF ayaa maalintii Jimcaha ahayd ka furmay magaalada Toronto ee dalka Canada. Shirkan oo ay martigelisay taageerayaasha jabhadda ONLF ee dalka Kanada ayaa waxaa ka soo qayb-galay wafuud ka kala yimid qaaradaha Yurub, North America, Australia iyo Bariga dhexe.

Sabti, July,7, 2012 (HOL)-Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA), Xasan Maxamed Yuusuf ayaa cambaareeyey falal guracan oo uu sheegay in badhasaabka gobolka Saaxil kula kacay wariyeyaasha ka hawlgalla gobolkaasi.

Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Mas'uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay dib ugu laabtaan degmada Ceelbuur iyadoo Al-shabaabna ay sheegtay inay ka hortagayso weerar walba oo lagu soo qaado degmadaas.

Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Xiriiriyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya, Mark Bowden ayaa sheegay in xaalado aadamnimo oo khatar ah ay ka jiraan Soomaaliya, isagoo sheegay inay ku ogaadeen xog-ururin dhawaan ka sameeyeen Soomaaliya.

Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee xarunta u ah gobollka Hiiraan waxaa ku sii kordhaya xeryaha ay degan yihiin ama ku nool yihiin dad barakacayaasha ah, kuwaasoo in badan rajo ka qaba in ay gargaar ka heleen hay’addaha samafalka oo bilihii ugu danbeeyay saraakiil ka tirsan si is daba joog ah kormeer ugu tagayeen magaalada.

Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa askari ka tirsan waaxda canshuuraha ee dowladda KMG ah ku toogtay xaafadda Laba-dhagax ee degmada Wardhiigley, iyadoo kooxihii dilka geystay ay u suurogashay inay goobta ka baxsadaan.

Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Howgallo ay wadajir uga sameeyeen degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayay kusoo qabqabteen boqolaal dhallinyaro ah oo loo haysto inay Al-shabaab xiriir la leeyihiin, waxaana saraakiisha dowladdu KMG ay sheegeen in howgalladan ay yihiin lagu sugayo ammaanka.

Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal oo la aaminsyahay in ay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeymo xooggan ka geeystay deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose, iyadoona la sheegay in diyaaraduhu ay bartilmaameedsanayeen saldhigyo ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.

Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta oo Sabti ah saxiixay xeerka ururada siyaasada Puntland oo ay soo diyaariyeen guddiga doorashada Puntland, toddobaadyo ka horna ay ansixiyeen xildhibaannada maamulkaas.

Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Laba qof ayaa ku geeriyootay qof kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray kaddib markii ciidamada dowladda KMG ah ay rasaas ku fureen gaari noociisu ahaa MARK II oo ku socday degmada Baydhabo ee gobolka Bay.

Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay inuu walwal weyn ka qabo dhameystirka heshiiska Roadmap-ka oo uu wax ka saxiixay, isagoo sheegay in shirarka odayaasha ee Xamar ka socda ay xagal-daacin karaan dhameystirka khariidadda nabadda.

Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeeysay Kenya inay si sharci-daro ah baaritaano shidaal uga sameynayso xeebaha ku yaalla dhinaca Konfureed ee Soomaaliya.

Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada Midowga Afrika ee (AMISOM) ayaa si rasmi ah ula wareegay hoggaanka ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya kaddib munaasabad Jimcihii shalay ka dhacday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Somali News

7/7/2012 9:45 PM EST
Juba Vision, a humanitarian organization, will host a conference in central Minnesota this weekend to raise money to build a school in southern Somalia. The group says the school will cost between $15,000 and $20,000.

7/7/2012 9:44 PM EST
ADDIS ABABA, Jul 7 – Eritrea on Saturday denounced as unfounded US sanctions imposed on two Eritrean government officials accused of links to al-Qaeda affiliated Somali rebels.

7/7/2012 9:43 PM EST
A suspected terrorist who MI5 believe is a would-be suicide bomber was found repeatedly near the Olympic Games venue.

7/7/2012 9:39 PM EST
MOGADISHU, Somalia — Somali security forces said Saturday they had detained over 500 people in a two-day operation in the Mogadishu area who were either Islamist rebel fighters or had have links to them.

7/7/2012 9:37 PM EST
Violence and drought are causing a fresh crisis in the wake of last year’s famine in Somalia, warns one charity. The last famine saw extreme levels of child mortality to due starvation.

7/7/2012 10:45 AM EST
Kenya Defence Forces (KDF) troops fighting Al Shabaab militants in Somalia are now formally under the command of the African Union Mission in Somalia (Amisom).

7/7/2012 10:43 AM EST
MOGADISHU — The emergence of peace in Somalia’s capital, Mogadishu, has shaped the city for the better, giving it a new face. Residents are returning to and restoring their bullet-ridden homes and businesses after years of living in makeshift camps scattered in and out of the city.

7/7/2012 10:41 AM EST
For 21 years, Somalia has in the eyes of the world passed as a war theatre and terrorists’ haven mired in a humanitarian disaster.

7/7/2012 10:38 AM EST
Piracy in the coastal areas in Yemen has resulted in a decrease of fish production. The price of fish has increased and, according to Dr. Waed Ba Dheeb, the Minister of Transportation, Yemeni fisherman lost an estimated $150 million in 2009-2010 due to piracy in the Gulf of Aden.

7/7/2012 10:34 AM EST
It's a typical day at Almis Coffee Shop, a Somali-American owned business in downtown Rochester, which means owner Abdulkadir Matan is smiling.

7/7/2012 10:31 AM EST
An intelligence report has identified seven Kenyan Al Shabaab commanders responsible for targeting churches to cause religious disharmony between Muslims and Christians in North Eastern and coast regions. The Star learnt of the three on the day the us government santion three Kenyans for financing Al Shaba. The three Aboud Rogo Mohammed, Abubaker Shariff Ahmed and Omar Awadh Omar are accused by the US government of providing financial or logistical support to al-Shabab. Omar who is being held in Uganda is accused of helping to plan the July 2010 bombings in Kampala, Uganda that killed 74 people.
Click here