10/23/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2012
Madaxweynaha Puntland oo Maanta Meel mariyay Xeerka lagu Maamulayo Xisbiyada Siyaasadda Puntland


Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta oo Sabti ah saxiixay xeerka ururada siyaasada Puntland oo ay soo diyaariyeen guddiga doorashada Puntland, toddobaadyo ka horna ay ansixiyeen xildhibaannada maamulkaas.

Munaasabadda lagu saxiixay xeerkan oo lagu qabtay madaxtooyada Puntland ayaa waxaa goobjoogayaal ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdisamad Cali Shire, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland, Maxamed Xasan Barre, wasiirro iyo xubno kale.

"Waxaan  ku faraxsanahay in Puntland leedahay dastuur meel maray iyo nidaamka xisbiyada badan oo ay waddadeedii hayso, waxaa maanta billowday socodkii dimuqraadiyadda Puntland, maadaama la dhaqan-geliyay sharciyada ururrada siyaasadeed," ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo ka hadlay munaasabaadii uu ku saxiixay sharciga xisbiyada Puntland.

Guddoomiyaha guddiga doorshada Puntland oo isaguna hadal ka jeediyay xafladdii lagu saxiixay xeerka ayaa ka sheekeeyeen qaabkii ay kusoo diyaariyeen xeerkan, isagoo guul ku tilmaamay inuu soo dhamaaday xeerka ururrada siyaasadda Puntland wuxuuna sheegay in Puntland ay cagta saartay jidka dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in xisbiyo sameysma looga gudbayo habka beeleed ee awoodda lagu qaybsado, isagoo arrintaas ku tilmaamay guul Puntland u soo hoyatay.

"Waxgaradka iyo shacabka Puntland waxaan ka codsanayaa inay soo xulnaa xubnihii uga mid noqon lahaa guddiga ansixinta Puntland. Innagu howsheennii horay ayaan u qabsannay, wixii noo dhimanna waan qabsanaynaa," ayuu yiri Faroole oo ka hadlayay munaasabadda.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland ayaa wuxuu sheegay in Puntland ay qayb weyn ka qaadanayso sidii looga bixi lahaa xilliga KMG ah, looguna gudbi lahaa inay dhalato dowlad joogto ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya









Click here
7/7/2012 8:22 PM EST
Sabti, July 08, 2012(HOL): Shirkii sanadlaha ahaa ee Jabhadda xoreynta ONLF ayaa maalintii Jimcaha ahayd ka furmay magaalada Toronto ee dalka Canada. Shirkan oo ay martigelisay taageerayaasha jabhadda ONLF ee dalka Kanada ayaa waxaa ka soo qayb-galay wafuud ka kala yimid qaaradaha Yurub, North America, Australia iyo Bariga dhexe.

7/7/2012 8:54 AM EST
Sabti, July,7, 2012 (HOL)-Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA), Xasan Maxamed Yuusuf ayaa cambaareeyey falal guracan oo uu sheegay in badhasaabka gobolka Saaxil kula kacay wariyeyaasha ka hawlgalla gobolkaasi.

7/7/2012 8:32 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Mas'uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay dib ugu laabtaan degmada Ceelbuur iyadoo Al-shabaabna ay sheegtay inay ka hortagayso weerar walba oo lagu soo qaado degmadaas.

7/7/2012 8:06 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Xiriiriyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya, Mark Bowden ayaa sheegay in xaalado aadamnimo oo khatar ah ay ka jiraan Soomaaliya, isagoo sheegay inay ku ogaadeen xog-ururin dhawaan ka sameeyeen Soomaaliya.

7/7/2012 7:56 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee xarunta u ah gobollka Hiiraan waxaa ku sii kordhaya xeryaha ay degan yihiin ama ku nool yihiin dad barakacayaasha ah, kuwaasoo in badan rajo ka qaba in ay gargaar ka heleen hay’addaha samafalka oo bilihii ugu danbeeyay saraakiil ka tirsan si is daba joog ah kormeer ugu tagayeen magaalada.

7/7/2012 7:22 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa askari ka tirsan waaxda canshuuraha ee dowladda KMG ah ku toogtay xaafadda Laba-dhagax ee degmada Wardhiigley, iyadoo kooxihii dilka geystay ay u suurogashay inay goobta ka baxsadaan.

7/7/2012 7:13 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Howgallo ay wadajir uga sameeyeen degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayay kusoo qabqabteen boqolaal dhallinyaro ah oo loo haysto inay Al-shabaab xiriir la leeyihiin, waxaana saraakiisha dowladdu KMG ay sheegeen in howgalladan ay yihiin lagu sugayo ammaanka.

7/7/2012 7:04 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal oo la aaminsyahay in ay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeymo xooggan ka geeystay deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose, iyadoona la sheegay in diyaaraduhu ay bartilmaameedsanayeen saldhigyo ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.

7/7/2012 6:54 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Laba qof ayaa ku geeriyootay qof kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray kaddib markii ciidamada dowladda KMG ah ay rasaas ku fureen gaari noociisu ahaa MARK II oo ku socday degmada Baydhabo ee gobolka Bay.

7/7/2012 4:00 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay inuu walwal weyn ka qabo dhameystirka heshiiska Roadmap-ka oo uu wax ka saxiixay, isagoo sheegay in shirarka odayaasha ee Xamar ka socda ay xagal-daacin karaan dhameystirka khariidadda nabadda.

7/7/2012 3:55 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeeysay Kenya inay si sharci-daro ah baaritaano shidaal uga sameynayso xeebaha ku yaalla dhinaca Konfureed ee Soomaaliya.

7/7/2012 3:12 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada Midowga Afrika ee (AMISOM) ayaa si rasmi ah ula wareegay hoggaanka ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya kaddib munaasabad Jimcihii shalay ka dhacday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

7/7/2012 2:48 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in qodobka ku saabsan maqaamka ay yeelanayso magaalada Muqdisho dib u eegis lagu sameynayo, isagoo xusay in sharci gaar ah laga soo saarayo.