6/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2012
Dowladda KMG Soomaaliya oo ku eedeysay Kenya inay si sharci-darro ah shidaal uga baarayso Xeebaha Soomaaliya

Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeeysay Kenya inay si sharci-daro ah baaritaano shidaal uga sameynayso xeebaha ku yaalla dhinaca Konfureed fog ee Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda tamarta iyo batroolka Dowladda KMG Soomaaliya, Cabdullaahi Dool oo la hadlayay wakaalada Wararka Reuters ayaa sheegay in Kenya ay shirkado kula heshiisay in baaritaano shidaal laga sameeyo xeebaha Koofureed ee Soomaaliya taasoo uu ku tilmaamya sharci-darro.

"Dowladda Soomaaliya waxay qorsheynaysaa in cabasho ku saabsan arrintan lana xiriirta sharciyada badaha caalamka ay u gudbin doonto Qaramada Midoobay," ayuu yiri Cabdullaahi Dool.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Kenya toddobaadkii hore heshiis la gashay toddoba shirkadood oo kuwa shidaalka baara ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin ENI oo Taliyaani ah shirkadda TOTAL oo Faransiis ah.

Dowladda Kenya ayaa iska diidday eedeynta kaga timid dowladda Soomaaliya ee ku saabsan inay shidaal ka qodanayso badaha Soomaaliya, iyadoo sheegtay in dhulka laga baarayo shidaalka uu yahay mid ay iyadu leedahay.

Murankan cusub ayaa imaanaya iyadoo dowladda Kenya iyo Soomaaliya ay sannadkii 2009 kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo ku saabsan xuduudaha badda kaasoo uu ka dhashay muran sababay in baarlamaanka Soomaaliya uu heshiiskaas oo dhan diido.

Afhayeenno u hadlay shirkadaha la xusay ayaa sheegay in heshiiska ay galeen, iyadoo aan la ogeyn halka uu murankan ku dhammaan doono, waxaana Kenya kaga sugan Soomaaliya kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya











Click here
7/7/2012 8:22 PM EST
Sabti, July 08, 2012(HOL): Shirkii sanadlaha ahaa ee Jabhadda xoreynta ONLF ayaa maalintii Jimcaha ahayd ka furmay magaalada Toronto ee dalka Canada. Shirkan oo ay martigelisay taageerayaasha jabhadda ONLF ee dalka Kanada ayaa waxaa ka soo qayb-galay wafuud ka kala yimid qaaradaha Yurub, North America, Australia iyo Bariga dhexe.

7/7/2012 8:54 AM EST
Sabti, July,7, 2012 (HOL)-Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA), Xasan Maxamed Yuusuf ayaa cambaareeyey falal guracan oo uu sheegay in badhasaabka gobolka Saaxil kula kacay wariyeyaasha ka hawlgalla gobolkaasi.

7/7/2012 8:32 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Mas'uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay dib ugu laabtaan degmada Ceelbuur iyadoo Al-shabaabna ay sheegtay inay ka hortagayso weerar walba oo lagu soo qaado degmadaas.

7/7/2012 8:06 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Xiriiriyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya, Mark Bowden ayaa sheegay in xaalado aadamnimo oo khatar ah ay ka jiraan Soomaaliya, isagoo sheegay inay ku ogaadeen xog-ururin dhawaan ka sameeyeen Soomaaliya.

7/7/2012 7:56 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Magaalada Baladweyne ee xarunta u ah gobollka Hiiraan waxaa ku sii kordhaya xeryaha ay degan yihiin ama ku nool yihiin dad barakacayaasha ah, kuwaasoo in badan rajo ka qaba in ay gargaar ka heleen hay’addaha samafalka oo bilihii ugu danbeeyay saraakiil ka tirsan si is daba joog ah kormeer ugu tagayeen magaalada.

7/7/2012 7:22 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa askari ka tirsan waaxda canshuuraha ee dowladda KMG ah ku toogtay xaafadda Laba-dhagax ee degmada Wardhiigley, iyadoo kooxihii dilka geystay ay u suurogashay inay goobta ka baxsadaan.

7/7/2012 7:13 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Howgallo ay wadajir uga sameeyeen degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayay kusoo qabqabteen boqolaal dhallinyaro ah oo loo haysto inay Al-shabaab xiriir la leeyihiin, waxaana saraakiisha dowladdu KMG ay sheegeen in howgalladan ay yihiin lagu sugayo ammaanka.

7/7/2012 7:04 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal oo la aaminsyahay in ay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeymo xooggan ka geeystay deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose, iyadoona la sheegay in diyaaraduhu ay bartilmaameedsanayeen saldhigyo ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.

7/7/2012 6:57 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta oo Sabti ah saxiixay xeerka ururada siyaasada Puntland oo ay soo diyaariyeen guddiga doorashada Puntland, toddobaadyo ka horna ay ansixiyeen xildhibaannada maamulkaas.

7/7/2012 6:54 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Laba qof ayaa ku geeriyootay qof kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray kaddib markii ciidamada dowladda KMG ah ay rasaas ku fureen gaari noociisu ahaa MARK II oo ku socday degmada Baydhabo ee gobolka Bay.

7/7/2012 4:00 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay inuu walwal weyn ka qabo dhameystirka heshiiska Roadmap-ka oo uu wax ka saxiixay, isagoo sheegay in shirarka odayaasha ee Xamar ka socda ay xagal-daacin karaan dhameystirka khariidadda nabadda.

7/7/2012 3:12 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada Midowga Afrika ee (AMISOM) ayaa si rasmi ah ula wareegay hoggaanka ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya kaddib munaasabad Jimcihii shalay ka dhacday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

7/7/2012 2:48 AM EST
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in qodobka ku saabsan maqaamka ay yeelanayso magaalada Muqdisho dib u eegis lagu sameynayo, isagoo xusay in sharci gaar ah laga soo saarayo.