4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2012
Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi oo cambaaraysay weeraradii lagu qaaday Gaarissa
Talaado, July 03, 2012 (HOL) - Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradii lagu qaaday magaalada Gaarissa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Cali Ameeriko ayaa ku tilmaamay weeraradaas oo ay ku dhinteen 17 qof oo rayid ah, kuwo argagixiso oo ay dawlada Soomaaliya si kulul u cambaaraynayso.
Ameeriko.jpg
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)


" Waxaan garab taagannahay dawlada Kenya, oo ciidankoodu u dhimanayaan sidii nabad loogu soo celin lahaa Soomaaliya, waxaanan tacsi u diraynaa dawlada Kenya iyo eheladii dadkii ay wax gaareen" ayuu yiri danjiraha Soomaaliya.

Isagoo maantay shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa Cali Ameeriko uu dhanka kalana soo dhaweeyay tallaabadii lagu soo badbaadiyay shaqaalihii ajnabiga ahaa ee laga afduubtay xerada Dhadhaab.

" Shaqaalahaas waxaa soo badbaadiyay ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, waana guul u soo hooyatay dawlada Soomaaliya iyo dadkeedaba.

Safiirka ayaa ballan qaaday in dawlada Soomaaliya ay sii wadayso la dagaallanka argagixisada iyo falalka halista ku ah ammaanka wadamada dariska ah, gaar ahaanna dawlada Kenya.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya