6/7/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2012
Maamulka Degmada Yaaqshiid ee DKMG ah oo soo Bandhigay Saddex ruux oo Dharka Dumarka dhac u Geysanayay
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir  ayaa soo bandhigay maanta oo Talaado ah saddex dhallinyaro rag ah oo laba ka mid ah ay xirnaayeen dharka dumarka dhacna u geysanayay dukaan ku yaalla suuqa labaad ee Muqdisho ugu weyn (Suuq Bacaad).

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxyadii Xasan Jurrus iyo taliyaha saldhigga degmada, Maxamed Maxamuud Yalaxoow oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in dhallinyaradan ay ka tirsan yihiin Al-shabaab lana soo qabtay iyadoo dhac geysanaya.

"Howgal ay ciidamada booliiska sameeyeen ayaa lagu soo qabtay saddexdan ruux oo dhac u geysanayay dukaan ganacsi," ayuu yiri taliyaha saldhigga Yaaqshiid oo sheegay in maxkamad la horgeyn doono dhallinyaradaas.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada ayaa isaguna sheegay raggana lasoo qabtay ay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab uuna mid ka mid ah aabbihii u sheegay inuu mar hore ka baxay, lana xiray inkastoo lasii daayay goor dambe.

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay halka lagu soo bandhigay saddex ruux oo qaarkood ay xirnaayeen dharka dumarka, kuwaasoo sidoo kalena xirnaa indho-shareer, waxayna tani fajaciso ku noqotay dadkii goobta isugu soo baxay.

Inkastoo dhallinyaradan aanay la hadlin saxaafadda ayaa haddana waxaa lagu soo bandhigay goobta qoryo ay wateen kuwaasoo la sheegay inay dhaca ku geysanayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/3/2012 9:38 AM EST
Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradii lagu qaaday magaalada Gaarissa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee Soomaalida.

7/3/2012 9:25 AM EST
Waxaa lagu soo gaba gabeeyay Xabsiga Dhexe ee Xamar Tartan loogu magac daray Todobaadka iyo Xornimada Soomaaliya, kaasoo ay ka qeyb galeen ilaa lix kooxood oo wada ciyaaray ciyaaro is arag ah.

7/3/2012 8:37 AM EST
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Munaasabado si heer sare loosoo agaasimay ayaa si gooni-gooni ah uga kala dhacday degmooyinka degmooyinka Baydhaba, Berdaale, Qasax-dheere iyo deegaanka Daynuunaay oo dhammaantood ka tirsan gobolka Bay.

7/3/2012 7:25 AM EST
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Maamulka tuulada Xiriiro oo ka tirsan gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamada badda Puntland ay deegaankaas ku dileen laba qof oo shacab ah, sideed kalena ay ku dhaawacyo u geysteen.

7/3/2012 7:09 AM EST
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha Raas-kambooni oo ka dagaalanta gobollada Jubbooyinka, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG, kuwa Raas-kambooni iyo militariga Kenya ay hadda ku jiraan diyaar-garow ballaaran oo ay ku doonayaan inay ku weeraraan goobaha ay ka taliso Xarakada Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka.

7/3/2012 4:19 AM EST
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Hay'adda caawisa qoxootiga ee fadhigeedu yahay dalka Norway (NRC) ayaa sheegtay inay joojinsay howlihii samafalka ahaa ee ay ka wadday xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, kaddib afduubkii loo geystay afar shaqaalaheeda ka mid ah oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya ay xoog kusoo furteen.

7/3/2012 3:52 AM EST
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Kenya, Raila Odinga ayaa ku hanjabay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab oo uu ku eedeeyay weerarro ka dhacay Gaarisa iyo afduubyada shaqaale gargaar oo ka tirsan hay'adda NRC.

7/3/2012 3:45 AM EST
Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ku toogtay xalay taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska Puntland, G/sare Cabdullaahi Saalax Nadaalo, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta loo dilay iyo cid dilkiisa ka dambeysay.