9/24/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2012
Shir looga hadlayay Ammaanka oo Muqdisho ku dhexmaray Guddiga Amniga DKMG, AMISOM iyo Qaramada Midoobay
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Shir looga hadlayay xaqiijinta ammaanka goobaha lagu qabanayo shirka ansixinta dastuurka iyo xulidda xildhibaannada Soomaaliya ayaa maanta waxaa Muqdisho ku yeeshay mas'uuliyiin ka socday dowladda KMG ah, AMISOM iyo xubno matalayay Qaramada Midoobay.

Kulankan oo lagu qabtay dugsiga tababarka booliiska ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii lagu adkeyn lahaa ammaanka Muqdisho oo lagu wado in toddobaadka soo socda uu ka furmo shirka ansixinta dastuurka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee DKMG ah, Cabdisamad Macallin Maxamuud Xasan oo shirka guddominayay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la adkeeyo ammaanka caasimadda si aysan u dhicin rabshado inta uu shirku socdo.

"Intii shirku socday waxaan diiradda saarnay iskuna afgaranay in la adkeeyo guud ahaan goobaha shirarka lagu qabanayo, sidoo kalena la xiro jidadka goobahaas soo gala," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in shirka ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga ammaanka Qaranka, ayna kasoo baxeen qodobbo muhiim ah kuwaasoo ay ka mid yihiin la diwaangeliyo xubnaha shirarka ka qaybgalaya lana baaro cid walba oo goobaha shirarku ka socdaan tagaysa.

Dowladda KMG ayaa waxay horay u sheegtay in si KMG ah loo xirayo waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa dugsiga tababarka booliiska ee Iskool Bulisyo inta uu shirku socdo, lana dhigi doono waddooyinkaas ciidammo fara badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/14/2012 9:29 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL)- Carwadda caalamiga ah ee Buugaagta ee Hargeysa oo sanad walba la dhigo ayaa lagu qabtay hoolka guriga shaqaalaha ee badhtamaha magaaladda Hargeysa, halkaas oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal dadweyne oo xiisaynaya barnaamijyadda kala duwan ee ka socday hoolkaasi.

7/14/2012 8:41 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay bannaanbax cansho ah oo maanta ka dhacay degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud halkaas oo uu ka taliyo maamulka Ahlusunna Waljamaaca.

7/14/2012 8:12 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra'iisul wasaaraha C/weli maxamed Cali iyo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta si wadajir ah ula kulmay odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho ayaa ka codsaday inay soo dedejiyaan xulista ergooyinka.

7/14/2012 7:37 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa fariisin rasmi ah ka dhigtay xerada Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada hoose oo maalmo ka hor ay dagaal uga qabsadeen Xarakada Al-shabaab.

7/14/2012 7:21 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Iyadoo lagu wado in dhammaadka bishan uu ka furmo magaalada London ee dalka Britain ciyaaraha olombikada dunida ayaa Soomaaliya waxay nasiib u yeelatay inay ka qaybgasho ciyaarahan, waxayna sheegeen orod-yahannada ku ordaya magaca Soomaaliya inay natiijo wanaagsan kasoo hoyn doonaan ciyaarahaas.

7/14/2012 5:16 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimaya oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka, macalimiinta iyo ardayda wax ka barata Jaamacadda Hiiraan University ayaa lagu qabtay magaalada Baladweyne.

7/14/2012 5:13 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Maamulka Xarakada Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay gaadiid si sharci-darro ah jaad kusoo geliyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

7/14/2012 3:31 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howgallo ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen Muqdisho lagu soo qabqabtay dad badan oo xiriir la leh Xarakada Al-shabaab.

7/14/2012 3:23 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Hay'adda sirdoonka Faransiiska ayaa sheegtay inuu weli nool yahay, Denis Allex oo ah sarkaal tababaray ciidamada Dowladda Somalia oo sannadkii 2009 ay isaga iyo sarkaal kale oo baxsaday ku afduubeen magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

7/14/2012 3:09 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Hay'adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa sheegtay inay walaac xooggan ka qabto inay kordhaan tirada dadka qaba cudurka daacuunka ee ku nool magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabaab.

7/14/2012 2:53 AM EST
Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu soo laabtay dalka Jimcihii shalay ayaa sheegay in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho aysan ahayn wax gorgortan geli kara, sidoo kale wuxuu ku baaqay in la taageero hannaanka looga baxayo xiolliga KMG ah.