4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 16, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safarkiisii labaad ugu kicitimaya Jabuuti
Axad, December 16, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorsheynaya inuu safarkiisa labaad ku tago dalka Jabuuti maanta oo Axad ah, halkaasoo uu uga qaybgeli doono bandhigga buug afka Soomaaliga ah oo ka dhacaya magaalada Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo 10-kii Sepetmber ee sannadkan 2012 loo doortay madaxweynaha dowladda joogtada ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu dhamaadkii bishii hore ku tagay dalka Jabuuti safarkiisii ugu horreeyay, isagoo halkaas kula kulmay madaxda dalkaas oo uu ku ammaanay inay gacan weyn siiyeen Soomaaliya.

"Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gallinka dambe ee maanta u ambabaxaya dalka Jabuuti, waxayna casuumaad ka heleen madaxweyaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle," ayuu HOL u sheegay mas'uul ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirro iyo xubno baarlamaanka ka tirsan, wuxuuna safarkan noqonayaa kii afaraad oo uu madaxweynuhu dalka uga baxo tan iyo markii lasoo doortay xilka muddo hadda laga joogo toban toddobaad.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa ka dhacaya xuska afartan guuradii kasoo wareegay markii la qoray afka Soomaaliga, waxaana halkaas lagu soo bandhigi doonaan buugaag ku qoran afka Soomaaliga, kuwaasoo qayb ka ah dadaal lagu xoojinayo qoraalka afka Soomaaliga.

Booqashadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli tododbaadkii hore uu booqasho ku yimid Muqdisho guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti, Idiris Aarna'uut Cali iyo xubno ka tisran baarlamaanka Jabuuti, kuwaasoo kulammo la yeeshay madaxda dalka iyo xildhibaannada baarlamaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya