4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 16, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo galabta u kicitimay Jabuuti iyo maxkamadda Gobolka Hargeysa oo ansixiyey natiijaddii xildhibaanadda cusub

Axad, December 16, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti balaadhan oo uu Hoggaminayay, ayaa galabta u kicitimay dalka Jabuuti si uu uga qeyb gallo shirka madaxeedka horumarinta Af-soomaaliga ee
PEN oo lagu soo casuumay Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa sheegay inuu ka qaybgalayo shirka Horumarinta Af-soomaaliga oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka PEN, kaas oo lagu casuumay madaxda deegaanadda Af soomaaliga lagaga hadlo.

Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo casuumad ka helay madaxweynaha Jabuurti Md: Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maalmihii u dambeeyey la sheegay inuu ka baaqsaday shirkaasi oo aanu ka qaybgaleen, isla markaana uu maanta galinkii hore u diray shirkaasi laba wasiir oo kala ah wasiirka Warfaafinta iyo wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha, haseyeeshee, maanta galinkii dambe oo diyaarad khaas ah oo loo soo diray uu kaga dhoofay madaarka Hargeysa, isla markaana u kicitay Dalka Jabuuti, iyadoo aan la sheegin waxa is bedelay, maadaama oo uu hore shirkaasi ugu diray laba wasiir.

Safarkan madaxweynaha waxa ku wehelinayey Wasiirrada Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cali Cilmi Geelle, Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo marwadda koowaad ee Somaliland.

Shirkan ayaa waxa lagu casuumay dhamaan madaxweyneyaasha deegaanadda Af soomaaliga lagaga hadlo, waxaana lagaga hadli doonaa shirkan horumarka af Soomaliga, iyagoo ay ka qaybgali doonaan dad aqoon dheer u leh af somaaliga oo kala yimid daafaha dunidda.

Dhinaca kale, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa fadhi ay yeelatay ku ansixisay natiijooyinkii doorashooyinka deegaanka ee degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex ee guddidda Doorashooyinku usoo gudbiyeen.

Maxkamadda gobolka Marooddi jeex ayaa ka dib markii ay dib u eegtay natiijadii loo soo gudbiyey ee degmooyinka Hargeysa, Gabiley, Sallaxley iyo Balligubadle, waxaana ka muuqda shaxdan ay ansixiyey
labaddii xildhibaan ee cusbaa ee lagu bedelay labo xildhibaan oo hore loo shaaciyey inay doorashadii ku guulaysteen, balse isbedel ku yimid degmooyinka qaar ay keentay in laba xildhibaan hadhaan, halka laba
kale oo cusubna soo galaan.

Xildhibaanadda ay maxkamaddu ansixiyey ee Golaha Deegaanka Hargeysa oo ka koobabn 25 xildhibaan ayaa kala ah:
1.Axmed Cali Haybe.
2. Khaalid Cabdi Cawad Abyan.
3. Mustafe Cismaan Daahir.
4 Maxamed Warsame Caalin Timacade.
5.Cabdiqani Yuusuf Cabdillaahi Ina Macalin.
6. Cabdillaahi Aadan Cali Cabaas.
7. Cabdirisaaq Faarax Xasan Qawdhan.
8. Hanad Xaashi Axmed Caydiid .
9. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.
10. Cismaan Xasan Faarax Waxar.
11. Eng. Yuusuf Warsame Siciid.
12. Axmed Siyaad Muxumed.
13. Cabdi Cali Yuusuf.
14. Axmed Daahir Axmed Magan.
15. Saleban Daahir Cabdillaahi Dogox.
16. Cabdillaahi Aw Aadan Maxamed.
17. Cabdillaahi Siciid Faarax.
18. Deeq Ducaale Cismaan.
19. Ismaaciil Jaamac Xirsi Cabdi.
20. Cabdicasiis Aadan Habane.
21. Ilyaas Aw Xuseen Jaamac.
22. Maxamed Aw Aadan Weyrax.
23. Khadar Ibrahim Axmed Maax.
24. Cabdicasiis Maxamed Xaashi.
25. Maxamed Cabdi Aadan.
Liiska Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Degmadda Sallaxlay:
1- Maxamuud Ibraahim Xandule Ismaaciil
2- Naasir Cabdi Iimaan Ducaale
3- Xasan Maxamed Hugur Axmed
4- Cabdilaahi Axmed Diiriye Faarax
5- Yuusuf Xuseen Cali Qodax
6- Ismaaciil Yuusuf Xuseeb Cilmi
7- Maxamed Iid Jaamac Faarax Cawaale
8- Mawliid Rooble Cismaan Axmed
9- Aadan Cabdi Maxamed Askar
10- Maxamed Cabdilaahi Cawad Khayre
11- Axmed Ibraahim Cabdi Cismaan
12- Maxamuud Bedel Guuleed Liibaan
13- Kawsar Aw Cali Jaamac Bulaale.
Liiska Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Degmadda Baligubadle
1- Farxaan Muxumed Good Cumar
2- Cabdi Iimaan Jaamac Cawad
3- Cabdi Maxamuud Ismaaciil Qambiil
4- Cabdilaahi Maxamed Cali Cawaale
5- Cabdiraxmaan Axmed Aadan Ibraahim
6- Cali Cismaan Jaamac Bulaale
7- Food Imaan Maxamed Mirre
8- Mawliid Jaamac Yuusuf Jibriil
9- Aadan Cali Xasan Maxamed
10- Cumar Cabdi Muxumed Jaamac
11- Cumar Muuse Maxamed Cabdi
12- Sacad Xariir Raage
13- Maxamed Cabdi Siā€™arag Jaamac.
Liiska Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Degmadda Gabilley:
1- Cabdi Yuusuf Daahir Goole
2- Cumar Cali Obsiiye Odowa
3- Maxamed-Amiin Cumar Cabdi Muxumed
4- Caydaruus Cabdilaahi Shedaal Warsame
5- Mahdi Maxamed Xaashi Jaamac
6- Cabdiqaadir Maxamed Faarax Nuur
7- Cabdi Ciidle Cali Ismaaciil
8- Cibaado Maax Cilmi Kaahin
9- Shucayb Maxamed Muuse Bookh
10- Cali Maxamed Sheekh Saleebaan Diiriye
11- Maxamed-Amiin Cali Alaale
12- Dr. Axmed Cali Maxamed Nuur
13- Cali Axmed Yuusuf Xaashi
14- Mustafe Sayid Abokor Warfaa
15- Cabdisamad Sheekh Aadan Aamiin (Jamaado)
16- Axmed Siciid Kibaar Good
17- Xasan Axmed Maxamed Aadan
18- Cali Maxamuud Ismaaciil Aamiin
19- Iid Xasan Cabdi Cali
20- Cabdicasiis Cabdilaahi Ismaaciil Qalinle
21- Nimco Axmed Cabdi Xasan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland